Culimo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo lagu dhaawacay Magaalada Gaalkacyo kadib markii ay ka soo baxeen goob ay ku qabteen Muxaadaro Diini ah

Sabti, 12, Dec, 2009 (HOL) Wararka laga helayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Goballka Mudug ayaa sheegaya in Maqribnimadii xalay kooxo hubeysan ku dhaawaceen Xaafadda Israac Culimo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca xili ay ka soo baxeen goob ay ku qabteen Muxaadaro Diini ah.

 

Inta laga warhayo weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay Labo ka tirsan Culimada Ahlu Sunna, waxaana markiiba qofka weerarka geystay rasaas ku riday qaar ka mid ah dadka deegaannka, kaasoo markii danbana u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray rasaasta ay ku rideen dadka deegaannka falku ka dhacay.

 

Culimada weerarka lagu qaaday ee ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca ayeey wararku sheegayaan in ay dadka ka wacdinayaan falalka la xiriira is-qarxinta bilihii ugu danbeeyay sida weyn uga soo ifbaxday gudaha dalka Soomaaliya iyo wax shareecada Islaamku ka qabto, ilaa haddana lama oga kooxda uu ka tirsanaa qofka weerarka geystay.

 

Magaalada Gaalkacyo ee Goballka Mudug ayaa bilihii aynu soo dhaafnayba aheyd goob amaankeedu sii xumaanayo waxaana siweyn ugu soo badanaya dilal intooda badan Siyaasadeysan loona maleynayo in ay salka ku hayaan khilaafka u dhaxeeya kooxaha isku haya Diinita ee isaga oo horjeeda qeybo badan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]