Dowladaha Itoobiya iyo Mareyknka oo ku heshiiyay inay iska kaashadaan xal u helidda xaaladda murugsan ee Soomaaliya

Sabti, December 12, 2009(HOL):  Dalalka Mareykanka iyo Itoobiya ayaa ku gaaray heshiis ah inay si wadajira ah uga shaqeeyaan xal u helidda arrimaha murugsan ee Somalia, kaddib shir ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

 

Kulankan ayaa dhexmaray ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha difaaca Mareykanka ee arrimaha Afrika Vicki Huddleston iyagoo isla gartay in si wadajira ah ay dhexda ugu xirtaan sidii ay u dajin lahaayeen Somalia iyo Gobolka Darfur ee dalka Sudan.

 

Meles Zenawi iyo Vicki Huddleston ayaa wariyeyaasha u sheegay kulankooda kaddib inay ku heshiiyeen in wajahaan xallinta rabshadaha ka jira Somalia iyo Sudan, waxayna sheegeen in iskaashigan dhawaan la billaabi doono.

 

Heshiiskan ayaa imaanaya kaddib markii dowladda Maerykanku ay billowgii sannadkan ugu baaqay Itoobiya inay dhanka ciidanka ka taageerto Somalia, balse aanay faragelin kale ku sameyn dalka ay dariska yihiin.

 

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu ballan ku qaaday inuu xoojinayo xiriirka iskaashi ee dalkiisa iyo Mareykanku ay ku wajayaan xal u helidda arrimaha Somalia iyo Gobolka Darfur ee dalka Sudan.

 

Itoobiya ayaa Somalia ku sameysay sannadihii 2007 iyo 2008 faragelin ciidan, iyadoo taageeraysay xukuumaddii hore ee uu hoggaaminayay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, iyagoo ugu dambeyn ciidamadooda kala baxay horraantii sannadkan.

 

 Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya