Axsaabta Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay Kulan dhexmaray Wasiiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Itoobiya & mawqifkooda khilaafka taagan

Isniin, 24 August 2009 (HOL): Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland ayaa caddeeyay inay diidan yihiin soo-jeedimo dhowr ah oo qayb ka ahaa qodobadii dhexdhexaadinta ee uu hordhigay Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Itoobiya.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed ay shalay soo saareen Guddoomiyeyaasha KULMIYE iyo UCID – Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe, waxay si qoto-dheer uga warameen xaalada murugsan ee haatan dalka ka aloosan. Qoraalkaas oo ay ku caddeeyeen qodobada ay ka soo horjeedaan iyo kuwa ay waafaqsan yihiin ee ay soo jeediyeen, waxa uu u dhignaa sidan; “Way adag tahay in la sawiro xaaladda halka ay mashaakilaadka isku midka ahi dib uga dhacayaan, isla markaana isla xalkii lagu guuldaraystay ayaa soo noq-noqnaya marba marka ka dambaysa. Siyaabaha qaarkood casharro ayaa loo baahan yahay in laga barto, waalida loogu noqonayo isla tijaabadii hore loo sameeyay iyo natiijada ka duwan ee laga rajeeyaa waa inay soo dhamaadaan. Waxaanu aaminsanahay inay aad u soo raagtay xilligan xaadirka ah, balse ugu dambayntii way timi fursaddaasi!

Waxaanu si cadaan ah u diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa dalabyada soo socda:

1. In la abuuro liis cusub oo codeeyeyaasha ah; doorashada in dib loo dhigo mar kale (markii saddexaad) iyo in taariikh cusub oo loo qabto doorashada oo qabtaan koox cusub oo farsamo oo aan weli la magacaabin; in la diido inay dib u soo noqoto Interpeace.

2. In la kordhiyo mudada xil-haynta Madaxweynaha mar kale, si ay isula jaanqaadaan mudada cusub ee loo qabto doorashada.

3. In la daayo Komishanka xilligan jooga ee doorashada.

Dalabyada noocan oo kale ahi, hadii la aqbalo waxay horseedi doonaan isla natiijada la saadaalin karo, taasoo la imanaysa habsaano dheeraad ah oo la saadaalin karo, kuwaasoo lagama maarmaan ka dhigaya mar kale inuu Madaxweynuhu dalbado waqti dheeraad ah oo loogu daro mudada uu xafiiska joogayo, taasna waxaanu u aragnaa arrin aan loo dulqaadan karayn. Waxaanu aaminsanahay, inay tahay waqtigii uu dhinaca kale aqbali lahaa masuuliyaddihiisa iyo shaqooyinkiisa uu dalka u hayo iyo beesha caalamka ee uu qadarin lahaa ballanqaadyadiisii hore iyo jiritaanka qawaniinta dalka u yaala.

Waxaanu si adag u aaminsanahay in dalkan si fiican loogu adeegi doono hadii axsaabta siyaasadu tartanka wada-galaysa ay la yimaadaan arrimaha looga baahan yahay si isku mid ah, isla markaana ay ku xisaabtamaan ficilladooda, marka ay jirto cadayn aanu daah saarnayn oo khaladaad la samaynayo ah, sida xaaladda immika taaganiba sarraxayso.

Waxaanu ogolnahay inaanu aragno in:-

1. Doorashadu ay tahay inay dhacdo 27 September 2009 oo aanay iman wax habsan dheeraad ah ama mudo-kordhin mudada xil-haynta Madaxweynaha ah oo loo tixgeliyo. Arrintan waxa isla ogolaaday oo wada saxeexay saddexda xisbi markii la kordhiyay mudada madaxweynaha markii ugu dambaysay.

2. Interpeace waa inay soo noqotaa, isla markaana kooxda farsamo ee cusub imaatinkooda xilligan aadka ugu dambeeya marka loo eego doorashada ayaanu u aragnaa mid aan loo baahnayn, suuragalna ay noqon karto inay dhaawacaan hanaanka (doorashada).

3. Liiska codeeyeyaasha jira oo la cadeeyay oo ay ansixiyeen Hay’adda Interpeace iyo weliba qayb kale oo saddexaad oo khabiir farsamo madaxbanaan ah, ayay tahay in loo isticmaalo oo lagu shaqeeyo doorashada. Waana in la xusaa in Xeerkii Anshaxa Doorashooyinka laysku raacay (oo ay saxeexeen dhamaanba saddexda xisbi iyo NEC) uu cadaynayay in marka liiska codeeyeyaasha loo soo bandhigo xisbiyadu ay ahayd inay u aqbalaan sidii uu ahaa.

4. Qaraarkii uu gaadhay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (oo taageerayo ka helay Madaxweynaha) ee ahaa in Diiwaangelin la’aan lagu qabto Doorashooyinku waxay xad-gudub ku tahay Sharciga Somaliland iyo Xeerka Anshaxa Doorashada ee la soo saaray. Ka dib markii uu taas kala tashaday Madaxweynaha oo keliya oo isaga laftiisu ka mid ah Murashaxiinta Doorashada gelaysa, ayaa Komishanku wuxuu jiidhay qawaaniintooda u fasaxaya. “In isbedel kasta oo lagu sameeyo hanaanka Diiwaangelintu uu noqonayo mid ay wada heshiis ku wada ansixiyaan Komishanka iyo saddexda xisbi Qaranka.” Taasna waxa tilmaamaya qodobka koowaad ee Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Go’aankan Cadaalad-darada ahaa wuxu xad-gudubku yahay madaxbanaanida Komishanku ay ku lahaayeen masuuliyada Doorashada, isla markana wax aasaas ah ma laha, maadaama uu mar horeba soo baxay liiska Codbixiyeyaashu. Sidaa awgeed, waxa muhiim ah in iyaga lagu bedelo (xubnaha Komishanka) xubno cusub oo kale oo buuxin kara shaqooyinkooda, iyadoo aanay jirin carqalad ay ku dhamaysan kari waayaan ama u xaglin indho la’aan ah oo ay u hayaan cid gaar ah (Madaxweynaha)..

5. Haddii doorashadu aanay ku dhicin waqtigii loogu talogalay, marka loo eego maalintii la isku raacay ee 27 Sept. 2009, xil-haynta Madaxweynuhu way dhamaanaysaa, Xukuumad dhex-dhexaad ah (dawlad kusime/badbaado) waa inay la wareegtaa masuuliyada maamulka dawladda, kuna qabato 60 maalmood gudahood doorashada Madaxtooyada oo ka bilaabanaysa 27 Sept. 2009 ilaa  29 November. Mudda xil-haynta dawladdani waxay dhamaanaysaa marka ugu horeysa ee ay dhamaadaan doorashooyinku, laguna dhawaaqo cida guulaysatay.

Marka la eego taariikhda Madxweynahan, dhaqankiisii hore waa tilmaan wanaagsan oo talaabooyinka mustaqbalka la xidhiidha. Sidaa daraadeed, waxaanu ku xasuusinaynaa inay tahay waqtigii xaqiiqada meesha taala la waajihi lahaa,la iskana tuuri lahaa balanqaadyada madhan, kuwaasoo laga yaabo in Madaxewynuhu uu markana dareenkiisa ku darsan doono, taasoo suurogal noqon karta in aanu dib uga noqonayn gelitaanka heshiisyada mar kale ama iska indho-tirida Sharciga dalkan u yaalaa marka uu qabto.

Waxaanu ugu baaqaynaa saaxiibadayada muddada dheer garab taagnaa dhulkayagan quruxda badan ee aanu leenahay – inay iskaayo garabtaagaan una adkaystaan dulmiga in la qoomameeyo mudan ee maamulka ninka keliyi ku hayo Somaliland.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland