Isniin, August 24, 2009(HOL): Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxmaed Nuur Madoobe oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in bisha Ramadaan awgeed la fasaxay mudanayaasha baarlamaanka.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa xusay in si ay u cibaadeystaan mudanayaasha loo fasaxay, ayna fadhiyada baarlamaanka dib u furmi doonaan marka ay bishan dhamaato, isagoo dhanka kalena eedeyn u jeediyay kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Guddoomiyaha baarlamaanku wuxuu ka dalbaday kooxaha dowladda diidan inay joojiyaan xabbada, ayna raacaan hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay in aysan jirin xabbad lagu gaarayo ujeeddooyinka la hiigsanayo.
Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo ay wariyayaashu su'aalo ku weydiiyeen shirkiisa jaraa'id ayaa sheegay in baarlamaanka aan lagu soo wargelin ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha dalka, isagoo sheegay inay baarayaan.
"Ma ogin ciidamo ku sugan gudaha dalka oo nasoo gaartay, haka socdaan dalalka dariska iyo kuwo kale" ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe, isagoo xusay in AMISOM ay yihiin ciidamo ay dalka ku casuuntay dowladda si ay nabadda qayb uga qaataan.
Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka soo tallaabay xadka uu dalku la wadaago Itoobiya, kuwaasoo Jicmihii lagu arkay bartamaha Baladweyne, waxaana horay u inkiray inay ciidamo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin Soomaaliya Afhayeen u hadlay xukuumadda Addis Ababa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in baarlamaanka la fasaxay bisha Ramadaan
More News
- Buuq iyo sawaxan hadheeyay fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee maanta (DAAWO SAWIRADA)
- Axsaabta Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay Kulan dhexmaray Wasiiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Itoobiya & mawqifkooda khilaafka taagan
- Maxkamadda Gobolka Saaxil oo xukun Xadhig, Ganaax iyo xayiraad ah ku ridday 2 Suxufi
- Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo xabad joojin ugu baaqay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya
- Askar ku dhaawacantay weerar xalay lagu qaaday guri uu Magaalada Beledweyne ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee Demnada Beledweyne
- Guddoomiyaha Xisbul Islaam oo sheegay in uu socdo dadaal lagu mideynayo Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab
- Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo kala saxiixday heshiis 15-qodob ah
- Uruka Xarakada Shabaabul Mujaahdiin ee Gobolka Gedo oo Cafis u fudiyay Masuuliyiinta ku sugan Degmada Doolow ee Gobolkaasi Gedo
- Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Garowe
- Qoysaskii ka qaxay W/Muqdisho oo bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahooda