Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Garowe

Isniin, 24, Aug, 2009 (HOL) Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in sadfex qof oo dhaawac ah iyo labo mayd ah la gaarsiyay Cusbitaalka magaaladaasi, kaddib markii ay shil gaari ku galeen inta u dhaxaysa gobolka Mudug iyo Nuugaal.

Waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee mid ka mid ah dadka shilkaasi ku dhaawacmay sida uu sheegayo dhaqtarka guud ee cusbatalka magaalada Garoowe Dr. Carabay, waxaana uu intaas sii raacshay hadalkiisa in ay labada kale ee dhaawaca ahna wax yar uun ka roon yihiin  qofka halista ku jira, saddexdan dhawaca ah ayaa waxaa ku jirta qof haweenay ah, sida uu mas'uulka cusbatalkaasi u hadlay sheegay.

Waxaan la garanayn sababta keentay shilkaasi ilaa hadda,waxa ayna warbixintu intaas ku daraysaa in baabuurka rogmaday oo ka yimid magaalada Gaalkacayo uu ku soo jeedayay magaalada caasimadda u ah maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.

Baaburkan rogmaday ayaa waxaa sababta keentay rogmashadiisa lagu sheegay in uu ku socday xaawaare aad u sarreeye markii uu rogmanayay, isla markaana uu darawalka gaariga wada xakumi waayay isteerinka gaariga sidaana uu ula dhacay. waxaana nooca baaburka dhacay lagu
sheegay in uu yahay MarkII.

Arrintan ayaa wax ay ku soo beegmaysaa, iyada oo ay maalmahan dambe ay ku soo badanayeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Gaalkacayo, Garoowe iyo Boosaaso shilal isdaba joog ah, kuwaas oo ay inta badan dadku ku eedeeyaan darawallada oo aan si wanaagsan uga taxadarin wadidda gaadiidka xamuulka iyo waddooyinka uu burbursan.

Maxmed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya