Isniin, 24, Aug, 2009 (HOL) Weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa xalay kooxo aan la aqoon waxaa ay ku qaadeen Guri uu Magaalada Beledweyne ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee Degmada Aadan Cabdi Ciise Garaaso.
Inkastoo Aadan Garaaso weerarkaasi waxba ka soo gaarin ayaa haddana waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 ka tirsan Ciidamada Dowladda oo xiligaas ilaalo ka hayay Guriga Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne.
Labo ka tirsan Ciidamada dhaawacu soo gaaray ayaa sida ay sheegeen howl-wadeenada Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne waxaa soo gaaray dhaawac culus kaddib markii Bamku sii toos ah u haleelay. Weerarka xalay lagu qaaday Guriga Aadan Garaaso ayaa ku soo beegmay xili Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne gacanta ku hayaan Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale xaalada Magaalada Beledweyne ayaa ah mid degan kadib markii labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo is xig xigay oo u dhaxeeyay Xoogagga Mucaaradka ah iyo Ciidamada Dowladda, waxaana xisiloodnida laga dareemay Magaalada si weyn u soo dhaweeyay dadka rayidka ah maadaama la guda galay Bishii Barkeysneyd ee Ramadaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Askar ku dhaawacantay weerar xalay lagu qaaday guri uu Magaalada Beledweyne ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee Demnada Beledweyne
More News
- Buuq iyo sawaxan hadheeyay fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee maanta (DAAWO SAWIRADA)
- Axsaabta Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay Kulan dhexmaray Wasiiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Itoobiya & mawqifkooda khilaafka taagan
- Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in baarlamaanka la fasaxay bisha Ramadaan
- Maxkamadda Gobolka Saaxil oo xukun Xadhig, Ganaax iyo xayiraad ah ku ridday 2 Suxufi
- Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo xabad joojin ugu baaqay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya
- Guddoomiyaha Xisbul Islaam oo sheegay in uu socdo dadaal lagu mideynayo Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab
- Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo kala saxiixday heshiis 15-qodob ah
- Uruka Xarakada Shabaabul Mujaahdiin ee Gobolka Gedo oo Cafis u fudiyay Masuuliyiinta ku sugan Degmada Doolow ee Gobolkaasi Gedo
- Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Garowe
- Qoysaskii ka qaxay W/Muqdisho oo bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahooda