Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo xabad joojin ugu baaqay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya

Isniin, August 24, 2009(HOL): Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia Gen. Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo maanta saxafiyiinta kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka dalbaday dhinacyada dowladda kasoo horjeeda inay dagaalka joojiyaan ayna xushmeeyaan Ramadaanka.

Jen Yuusuf  Dhuumaal ayaa sheegay in dhankooda ay joojinayaan dagaallada, si ay ugu ogolaadaan dadka Soomaaliyeed inay si nabadgalyo ah ku cibaadeystaan, haddiise dagaalka la sii wado wuxuu caddeeyay in ay  iyagana dagaalka wadayaan.

"Waxaan maqlayay in kooxaha naga soo horjeeda a yiraahdeen dagaalka waan wadaynaa waana cibaado, waxaan ku oran lahaa, haddii ay dagaalka joojin waayaan innaguna joojin mayno" ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Dhuumaal.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay aqbalsan tahay inay wada hadallo la galaan kooxaha ka soo horjeeda si loo dhameeyo colaadaha, ayna madaxda kooxahaas ka dalbanayaan in aysan dadka xabbad ku haligin oo ay doorbidaan wada hadal.

Baaqan ayaa la mid noqonaya midkii uu bilowgii bishan Ramadaan uu Madaxweyne Shiikh Shariif u jeediyay kooxaha dowladdiisa diidan, isagoo codsaday in ay dhiigga la daadinayo ka doorbidaan wada hadal in lagu dhameeyo khilaafka.

Guddoomiyaha Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys oo shir jaraa'id ku qabtay shalay Muqdisho ayaa sheegay inaysan wax heshiis ah la geleynin xukuumadda Soomaaliya, ayna sii wadayaan dagaallada inta lagu jiro Ramadaan isagoo sheegay in dagaalku yahay mid lagama maarmaan ah oo dalka looga xoreynayo Ciidamo Shisheeye ah oo ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya