Maxkamadda Gobolka Saaxil oo xukun Xadhig, Ganaax iyo xayiraad ah ku ridday 2 Suxufi

Isniin, 24 August 2009 (HOL): Maxkamadda Gobolka Saaxila ayaa xukun xadhig iyo Xayiraad isugu jira ku ridday Tifaftiraha Shabakadda Berberanews.com Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), Wariye Yaasiin Jaamac Cali iyo Shabakadda lafteeda, ka dib markii lagu soo oogay eedo aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu sheegay in dambi ka galeen Qaranka Somaliland, kuwaas oo aan la caddayn cidda ay ka galeen.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Berberanews.com, Yaasiin Jaamac Cali oo ah Wariyihii Berberanews iyo Idaacadda Horyaal uga soo warami jiray Gobolka Saaxil oo muddo laba todobaad ah ku xidhnaa Xabsiga Berbera, ayaa shalay markii saddexaad la horkeenay Maxkamadda Gobolka. Isla markaana lagu xukumay xayiraad laga xayiray sii waditaanka shaqadiisa Suxufinimo, halka Tifaftiraha Berberanews lagu xukumay saddex sannadood oo xadhig ah, sidoo kalena Shabakadda Berberananews.com-na lagu xukumay xayiraad shaqa joojin ah.

Hase ahaatee, dacwadan ayaa shalay markii ay bilaabantay, Garsooraha dacwadda qaadayay oo la yidhaahdo Cismaan Ibraahin (Fanax) halkaa ka akhriyay qoraal kooban oo uu ku sheegay nooca dacwadda ay hawlwadeenada Berberanews ku eedaysan yihiin, oo uu ku sheegay inay baahiyeen maqaallo lagu fadeexadeeyay  Masuulliyiin ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayarka Berbera, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Madax kale oo Qaranka ka tirsan, kuwaas oo uu xusay cidda dacwadda soo oogtay in Markhaatiyaal u haysato cadaymaha eedahooda.

Waxaanu Xaakinkii Dacwadda qaadayay Xeer-ilaaliyaha dacwadda ku soo oogay hawladeenada Shabakadda Berberanews oo aan ahayn Xeer-ilaaliyihii markii hore dacwadda gacanta ku hayay soo oogisteeda ka codsaday caddaynta dacwadda uu soo oogay. Intaa ka dib waxa uu Xeer-ilaaliyaha cusub Mr.. Jamaal, u yeedhay Taliyaha Tubataariyadda Berbera Maxamuud Jibriil, ka dibna Kitaab ayuu Xaakinkii dacwadda qaadayay gacanta u saaray inuu wixii ogaalkiisa ah halkaa ka sheego.

Ka dib Taliyaha Tubataariyada Berbera Maxamuud Jibriil waxa uu sheegay in dhawr jeer loo keenay faddeexado loo geytsyay isaga iyo madax kale in looga soo saaray website-ka Berberanews.com ka dibna uu dacwadooda u gudbiyey C.I.D-da, waxaana uu hadalkiisa ku soo dhammeeyey intaas, isagoo aan wax caddayn ah oo markhaatiya ku furin eedaysanayaasha.

Taliyaha CID-da ee Gobolka Ibraahin Dhegasayn oo markhaati labaad u soo fuulay isaga laftiisu, ayaa halkaa ka akhriyey warqado uu ka soo saaray website-ka Berberanews iyo Hadhwanaagnews oo ah fikrado ay dad caadi ahi qoreen oo magacyadoodu ku qoranyihiin, kuwaaso oo qoraaladooda ku cambaareeyay Maamulka Dekadda Berbera.

Taliyaha CID-da ayaa labada Suxufi ee Berberanews.com ku eedeeyey inaanay haysan shahaado muujinaysa xirfaddooda shaqo, isagoo sheegay maadaamaa Weriye Yaasiin uu website-ka Berberanews wararka Gobolka Saaxil masuul uga yahay uu  isagu dusha u ridanayo wixi Gobolka laga qoro.

Waxaanu intaa ka dib Xaakintkii Maxkamadda qaadayay Wariye Yaasiin waydiiyay waxa uu ka qabo eedaymaha loo jeediyay. Waxaanu Wariye Yaasiin ku dooday inaanay eedaymahaas waxba ka jirin, Musuuliyiin ay Shabakad ahaan fadeexadeeyeenna jirin, hase ahaatee, dadka rayigooda soo qoraa ay xor u yihiin fikirkooda, xaqna u leeyihiin in loo baahiyo. Hase ahaatee, Xaakinkii dacwadda qaadayay uma joojin doodda Yaasiin, balse waxa uu halkaa kaga dhawaaqay xukun kala ah Saddex sanno oo xadhiga oo lagu xukumay Tifaftiraha Berberanews.com Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago) oo aan isagu xidhnayn balse Maxkamaddu Booliska fartay inay Tifaftire Xarrago ka soo qabtaan meel kasta oo uu jooga oo ay soo xidhaan, halka Wariye Yaasiin Jaamac Cali lagaga xukumay xukun xayiraad shaqo ah inta amar dambe oo lagu fasaxayaa ka soo baxayo Maxkamadda, iyada oo Maxkamaddu Booliska fartay in haddii lagu arko isaga oo Shaqo Saxaafadeed haya ay soo qabtaan Wariye Yaasiin.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland