Guddoomiyaha Xisbul Islaam oo sheegay in uu socdo dadaal lagu mideynayo Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab

Isniin, 24, Aug, 2009 (HOL) Guddoomiyaha ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inay socdaal wada hadallo meel wanaagsan maraya oo lagu mideynayo ururka uu hoggaamiyo iyo kan Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin.

Shiikh Xasan ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa'id oo uu qabtay shalay, isagoo iska fogeeyay inuu wax xiriir ah iyo wada hadal kula jiro dowladda Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid u adeegsaysa dano shisheeye.

"Wada hadallo ayaa inoo socda annaga iyo Xarrakada Shabaab, waxaana doonaynaa inaan mideyno cududdeenna si aan uga guulaysano cadowga, sida dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM" ayuu yiri Sheekh Xasan oo intaas raaciyay.

"Go'aankeennu waa inaan xoojinno dagaallada aan uga horjeedno ciidamada AMISOM, mana aqbalayno xabbadjoojintii uu ku dhawaaqay Shiikh Shariif oo horay uga mid ahaan mujaahidiinta, balse ka leexday jidkaas".

Dhawaan ayay koox Xisbul Islaam ka tirsan ku biirtay Xarrakada Al-shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Gedo, iyagoo taas macno uga dhigay inay tahay mid ay ugu midoobayaan kooxaha ay iska soo horjeedaan ee DFKMG ah iyo Ahlusunna.

Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa bilowgii todobaadkan ku baaqay in la joojiyo xabbada laguna badalo wada hadal, si looga gudbo dagaallo ay dhiig badan ku daataan, isla markaanka looga shaqeeyo soo celinta nabadda.

Saraakiisha Xarakadal Shabaabul Mujaahidiin ayaan weli ka hadlin inuu socdo heshiis u dhexeeya iyaga iyo Xisbul Islaam kaasoo ay cududdooda iyo fikirkooda  ku mideynayaan, iyadoo labadan kooxood ay kasoo horjeedaan dowladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya