Qoysaskii ka qaxay W/Muqdisho oo bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahooda

Isniin, 24, Aug, 2009 (HOL) Qoysas saddex bilood ka hor ka barokacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan gurayhooda, iyagoo sheegay inay ku noolaan waayeen deegaannadii ay u barakaceen.

Sababta ay qoysaskan dib ugu laabanayaan degmadaas ayay ku sheegeen inay tahay mid ka dhalatay daganaasho aan badnayn oo halkaas ka jira, iyagoo xusay in qoysas dhowr ah ay dib ugu laabteen guryhooda.

Degmada Shibis ayaa ahayd degmooyinkii ay dagaallada culus ku dhexmareen ciidammada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana dagaalladaas ay sababeen in boqolaal qoys ay isaga cararaan degmadaas.

"Guryaheenna ayaa dib ugu laabanay, waayo goobihii aan u qaxnay waan ku noolaan waynay, waayo haatan xaaladda xaafadaheenna waa kuwo wanaagsan" ayay tiri Haweeney ka mid ah Dadkii dib ugu laabtay Degmada Shibbis.

Haddaba iyadoo dadkani dib ugu noqdeen degmada Shibis ayaa haddana waxaa degmadaas isku horfadhiya dhinacyada ku dagaallamaya Magaalada Muqdisho ee kala ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Hiiraan Online News Desk