5/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2008
Fannaan Maxamed Yuusuf Cabdi oo si heer qaran ah loogu aasay Hargeysa

Marxuum Maxamed Yuusuf Cabdi

Arbaco, January 09, 2008(HOL): Alle ha u naxariistee, waxa saaka lagu aasay Qabuuraha Xaafadda Maxamed Mooge, ee magaalada Hasrgeysa Marxuum Maxamed Yuusuf Cabdi, oo ka mid ahaa Aabayaashii fanka Soomaalida, isla markaana muddo ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa.

Marxuum Maxamed Yuusuf Cabdi oo ka mid ahaa foollaadka fannaaniinta Soomaaliyeed, isla markaana ka mid ahaa rukumadii if bixiyay masrixiyadda Fanka Soomaalida ee qarnigii 20aad, ayaa shalay gelinkii dambe ku geeriyooday Cusbataalka Manhal ee magaalada Hargeysa.

Rabbi naxariistii janno ha siiyee, Marxuum Maxamed Yuusuf, waxa uu ku dhashay tuullada Laalays ee gobolka Saaxil sannadkii 1941-kii, halkaas oo uu caruurnimadiisiina ku barbaaray. Waxbarashaddiisii dugsiyada aasaasiga ah, waxa uu marxuumku ka galay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Hase yeeshee, horaantii kontonaadkii ayuu Marxuum Maxamed Yuusuf, u hayaamay dhinaca magaalada Caddan, oo waqtigaas xarun u ahayd badiba dadkii reer magaalka ahaa ee Soomaalida ahaa. Sida la sheegay, waxay ahayd magaalada Caddan halkii uu marxuumka iyo rag uu ku jiraa ay ka soo bilaabeen fanka.

Alle ha u naxariistee, Marxuumku waxa uu dalka ku soo noqday sannadkii 1957-kii. Xilliggaas, uu soo noqday waxa aad u kacsanayd hawadii gobonimo-doonka ahayd, taas oo si balaadhan ay uga qaybqaateen isaga iyo raggii la midka ahaa. Alle ha u naxariistee, marxuum Maxamed Yuusuf, waxa uu nasiib u yeeshay inuu markaas habeenkii calanka ee lixdankii ka qaado heestiisii caanka ahayd, ‘Kadabaa.’

Rabbi ha u naxariistee, marxuumku isaga oo halgankaa hore ka soo qaybqaatay, ayuu halgankii dambe ee SNM-na kaalin muhiim ahayd ka soo qaatay. Illaahay ha u naxariistee, marxuumku waxa uu ifka kaga tegay 34 caruur ah, oo isugu jira dad uu dhalay iyo ubad ay iyagu sii dhaleen.

Dhammaan Bahda Saxaafadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo waliba bahda Hiiraan Online, waxa ay tacsi u diraysaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii uu Marxuumku ka geeriyooday, waxaanay Eebe uga baryayaan inuu marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo. Alle ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha.
 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland