Kooxo hubeysan oo la wareegay labo bar-koontarool oo fariisin u ahayd Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan

Arbaco, January 09, 2008(HOL):  Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan la wareegeen gacan ku heynta Labo Bar-kootarool oo fariisin u ahaa Ciidamo ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan gaar ahaan kuwa Canshuuraha.
 
Deegaaka Bacda oo W/Galbeed 35km kaga Beegan Magaalada Beledweyne ayeey wararku sheegayaan in Ciidamadii Maamulka ee halkaa Joogay isaga tageen kadib markii ay halkaa soo gaareen Kooxo hubeysan, waxaana wararku intaa ku daryaan in qaar ka mid ah Ciidamada lagala wareegay Taleefoono kuwa gacanta ah.
 
Sidoo kale Deegaanka Far-majabaaley ee Galbeedka Magaalada Beledweyne oo fariisin u aheyd Ciidamda Cashuuraha ee Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa lagu soo waramaya in ay la wareegeen Kooxo hubeysan, Walow aan la soo sheegin wax qasaare ah oo halkaa ka dhacay.
 
Kooxaha saakay soo galay Deegaanka Bacda ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay waxaa uu iska hor-imaad ku dhax-maray koox maleeshiyo ah oo Jid-gooyo u tiilay Duleedka Deegaanka Bacda kasoo uu ku geeriyooday mid ka mid ah kooxihii maleeshiyada.
 
Ilaa hadda ma jirto cid maamulka ka tirsan oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqa ka jira qeybo ka mid ah Gobalka, iyada goor dhawna lagu arkayay xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.
 
Ma'aha markii ugu horeysay oo ay Kooxaha hubeysan weeraro ku qaadaan Baraha Koontarool ee Ciidamda Dowlada Federaalk iyo Jid-gooyada ay dhigtaan Maleeshiyad, lakiin hadda waxaad moodaa in kooxahaasi aheyn kuwa ku sii nagaada Goobaha ay qabsadaan ilaa hadda Ma jirto talaabo maamulku arintaa ka qaaday.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia