Taliska Booliska Soomaaliyeed oo Hub iyo Xashiishad ku soo bandhigay Saldhigga Afar Irdood ee Degmada Xamar-weyne

Arbaco, January 09, 2008(HOL):  Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta wuxuu soo bandgigay hub iyo xashiish ay soo qabteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo maanta howlgallo ka sameeyay Degmooyinka Xamar-weyne, Xamar Ja-jab iyo Shangaani.

Ku xigeenka Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac ayaa sheegay in howlgallo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen degmooyinka Xamar-weyne, Xamar Ja-jab iyo Shangaani ay ku soo qabteen 7 qori, 2 Bastooladood, Xashiishad iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya, wuxuuna caddeeyay in howlgalladaas ay ahaayeen kuwo si nabadgelyo ah ku dhacay.

Degmooyinka ay Ciidamada Dowladda howlgallada ka sameeyeen oo ah kuwii ugu nabadgelyada roonaa magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn waxa keenay in ay Ciidamada howlgallada ka sameeyaan.

Intii ay howlgallada socdeen ayaa saaka waxa la xiray Waddooyin la isaga kala goosho degmooyinkaas, iyadoo taasina ay saameyn weyn ku yeelatay dad badan oo isticmaali jiray Waddooyinkaas oo ah kuwa kaliya ee ay haatan isticmaalaan dadka Muqdisho.

Munaasabaddii lagu soo bandhigayay Hubka iyo Maandooriyayaasha ay soo qabteen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay G/lle Sare Axmed Tahliil Warsame oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ciidamadii howlgallada sameeyay uga mahadceliyay sida uu u yiri howsha wanaagsan ee ay qabteen, isagoo caddeeyay in Degmada Xamar-weyne ay si weyn u dilloodeen maan-dooriyayaasha Xashiishadda iyo Khamriga.

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ayaa waxay sameeyaan howlgalo la sheego in hub iyo waxyaabo qarxa lagu raadinayo, isla markaana ammaanka lagu sugayo, walow ay magaalada Muqdisho ka dhacaan qaraxyo iyo dilal.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia