Arbaco, January 09, 2008(HOL): Dad badan oo ka barakcay dhibaatooyink ka jira magaalada Muqdisho, isla markaana ku noolaa deegaano hoos-taga Degmada Dayniile ayaa mar kale halkaas isaga barakacay kadib markii ay dagaallo uga daba-tageen halkii ay u qaxeen.
Dadkani oo u badan Haween, Caruur iyo Dad Waayeello ah ayaa waxay bilaabeen i nay sii barakacaan kadib markii uu shalay deegaannada Dibiley iyo Tubada ee Degmada Dayniile ka dhacay dagaal geystay dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dadkani mar kale sii barakacay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay u qaxeen deegaannada Ceelaha Biyaha iyo Xaawo Cabdi oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo ay u qaateen in ay tahay meel ay ku ammaan helayan oo aaney dagaallo ka jirin.
Dagaalkii shalay ka dhacay deegaannada hoos-taga Degmada Dayniile ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dad toban ruux ka badan, kuwaasi oo ay dadka deegaankaas ku dhaqan sheegeen in ay u badnaayeen dad rayid ah oo ay Ciidamada Dowladda dileen.
Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ka mid tahay meelaha ay u barakaceen dadkii ka cararay dhibaatooyinka Muqdisho ka jira ee ka sii daraya, iyadoo ay xusid muda tahay in ay jiraan dad kale oo u barakacay Deegaannada Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole, Shiikh Cali Cabdulle, Galgalato, Ceel Cadde iyo Ceel Macaan, kuwaasi oo dhamaantood ku yaala Muqdisho duleedyadeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia