Arbaco, January 09, 2008(HOL): Waxaa soo badanaya falal amni darro ah oo ka dhacaya Deegaano hoos-yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo ay ka cabanayaan dadka ku dhaqan deegaannada ay falalkaas ka dhacayaan.
Falalka nabadgelyo darrada ah ee laga soo sheegayo deegaannada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ugu dambeeyay dil xalay loo geystay Guddoomiyihii Tuulada Buulo Axmed Cigow oo lagu magacaabi jiray Macallin C/raxmaan Madoobe, kaasi oo la sheegay in ay dileen kooxo hubeysnaa.
Dilka loo geystay Guddoomiyaha Tuuladaas oo hoos-tagta Degmada Mahadaay ayaa waxaa si weyn uga xumaaday dadka ku dhaqan Tuuladaas, kuwaasi oo marxuumka si weyn u yaqaanay.
Guddoomiyaha Degmada Mahadaay Xaaji Caddow Raage iyo xubno la socda oo ka tirsan maamulka degmadaas ayaa saaka waxay aadeen Tuulada Buulo Axmed Cigow, si ay uga qeybgalaan aaska marxuumka.
Sidoo kalena shalay ayay ahayd markii nin ka tirsanaa waaxda canshuuradaha gobolka Shabeelaha Dexe lagu dilay Deegaanka Xawaadley, iyadoo 5-tii bishanna ay ahayd markii Bambo gacmeed lagu weeraray guriga Guddomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye, inkastoo aysan bambadaas wax khasaare geysan.
Falalkaas nabadgelyo darrada ah ee ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo weliba kuwo ka sii horeeyay oo gobolka ka dhacay ayaa waxay muujinayaan in aaney hagaagsaneyn xaaladda ammaanka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dadka degan ay muddo shan sano ku noolaayeen xaalad nabadgelyo ah oo aad u wanaagsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia