Xoogag u daacad ah Maxkamadihii Islaamka oo laga soo sheegayo Deegaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Arbaco, January 09, 2008(HOL): Deegaano dhowr ah  oo ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa laga soo sheegayaa xooggag u daacad ah Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi o oo weliba la sheegayo in ay aad u hubeysan yihiin, isla markaana ay weerarayaan Fariisimada Ciidamada dowladda Federaalka ee deegaannada ay ku sugan yihiin.

Xoogagga u daacadda ah Maxkamadihi Islaamka ayaa waxaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan gobollada Galgaduud, Hiiraan, Shabeelooyinka, Bay iyo Bakool iyo Jubbooyinka.

Dagaallo ka dhacay Deegaanno hoos-taga Gobollada Hiiraan iyo Bay ayaa la sheegay in ay dhexmareen Ciidamo u daacad ah Dowladda Federaalka iyo Ciidamo la sheegay in ay daacad u yihiin Maxkamadihii Islaamka.

Shalay  ayay ahayd markii ay ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay ku dagaalameen Deegaanka Iidaale ee gobolka Bay, iyadoo dagaalkaasina uu ahaa mid dhimasho iyo dhaawac geystay.

Sidoo kalena, dagaal saaka ka dhacay Deegaanka Jiirta-qabno ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in uu  dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Maxkamadihii Islaamka.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo uu hoggaaminayo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ahaa ku xigeenka Xoghayihii Gaashaandhigga ee Maxkamadihii Islaamka  ay dhawaan gaareen deegaano ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo Abuu Mansuur-na uu sheegay in uu halkaasi ka wado dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya ayaa muddo lix bilood ah waxay ka talinayeen deegaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa deegaanadii ay ka talinayeen ka saaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in wixii ka dambeeyay xiligii Maxkamadihii Islaamka ay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqana Magaalada Muqdisho ay la soo deristay nabadgelyo la’aan aan la ogeyn xiliga ay ka baxayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia