Ururka Al-Shabaab oo sheegay in uusan hor-joogsaneynin Hay’adaha Samafalka ee gargaaraya Dadka Soomaaliyeed

Arbaco, January 09, 2008(HOL): Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo howlaha ay Hay’adaha ugu gargaarayaan Dadka Soomaaliyed, wuxuuna Afhayeen u hadlay uu sheegay in aysan wax dhibaato ah u geysaneynin Hay’adaha Samafalka.

Shikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Afhayeen u ah Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dadka wax u qabanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

“Waxaan u sheegayaa hay’addaha gargaarka ee gobollada Bay iyo Bakool jooga annaga waxaan la dagaalameynaa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa la safan ee weerar kuma nihin ciddii umadda wax u qabaneysa, haddii ay ajaaniib yihiin iyo haddii ay Soomaali yihiin intaba”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u waramayay Idaacadd Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor waxaa uu sheegay in aysan jirin wax kulan ah oo uu la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda MSF-Belgium ee ka howlgasha Gobolka Bakool, iyadoo hadalkiisanina uu ku soo beegmayo xili ay dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku amartay Hay’adda MSF-Belgium in ay isaga baxday dalka Soomaaliya, iyadoo taasina sabab uga dhigtay in mas’uuliyiinta Hay’adddaas ay la kulmeen Shiikh Mukhtaar Roobow.

Dhanka kalena Shiikh Roobow waxaa uu sheegay in dagaal shalay ka dhacay Deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay uu u dhaxeeyay Ciidamadiisa iyo Ciidamo u daacad ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay dagaalkaas ku itaal roonaadeen Ciidamadiisa.

Ugu dambeyntiina, Hadalka Afhayeenka u hadlay Ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu ku beegmaya iyadoo xoogag la sheegay inay ka tirsan yihiin Maxkamadihii Islaamka ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia