Shaqaaqooyin Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Arbaco, January 09, 2008(HOL): Shaqaaqooyin maanta ka dhacay Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuq Bakaaraha waxaa ay sababeen in ay geystaan dhimashada 2 ruux  iyo  dhaawaca labo ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

Labada Ruux ee geeriyootay ayaa waxaa haleeshay rasaas ay Wadada koowaad ee Suuqa bakaaraha isku weydaarsadeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, kuwaasi oo is-rasaaseyntooda ay socotay qadar daqiiqado ah.

Labada Ruux ee kale ee dhaawacantay ayaa waxay ku dhaawacmeen qeybta Qudaarta lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha kadib markii ay halkaas isku rasaaseeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Suuqa Bakaaraha ayaa labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay waxaa uu ahaa mid xaaladdiisa degan tahay oo aaney ka dhicin wax iska hor-imaadyo ah, isla markaana ay howlaha ganacsiga ah ee ka socda ay ahaayeen kuwo si caadi ah u socday.

Dhanka kalena, Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Deegaanka Taleex ee Degmada Hodan ayaa dhaawacmay kadib markii ay kooxo hubeysan ku weerareen Bambo Gacmeedyo, iyadoo weerarkaasina  Ciidamada lagu qaaday xili ay lacag baad ah ka qaadanayeen Gaadiid BL ah oo ku sii jeeday Isgoyska KM4, kaasi oo si qardo jeex ah u isticmaalayay Waddooyin dhexmara Xaafadda Taleex.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay tahay mid aaney xaaladdeeda ammaan hagaagsaneyn, waxaana mar kasta ka dhaca qaraxyo, dilal iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia