ABUU MANSUUR: “Wixii Jibouti lagu gaaray halkan kama socon karaan, waana sii wadeynaa dagaalka ilaa aan Ciidamada Itoobiyaanka ku qasbeyno in ay dalka ka baxaan”


Isniin, October 27, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in heshiiskii ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay ku gaareen Dalka Jibouti uusan gudaha Soomaaliya ka socon karin.

“Wixii Jibouti lagu gaaray halkan kama socon karaan, waana sii wadeynaa dagaalka ilaa aan Ciidamada Itoobiyaanka ku qasbeyno in ay dalka ka baxaan, hadana weyba bilaabeen oo jabka soo gaaray aawgiis ayay u baxayaan”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka iyo Dowladda Federaalka ee keensatay ay fashilmeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu ugu baaqayo dhinacyada heshiiska la gelayo in aysan ku biirin Koox fashilantay oo sida uu hadalka u yiri geba-gebo ah.

Waxaa uu ka hadlay dilalka loo geysto dadka rayidka ah ee lagu eedeeyo dhaqdhaqaaqooda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in aysan iyagu dadka dilin, in ay badbaadiyaan mooyee, “dadka waxaa dila qolyahan daba-dhilifka iyo cadawga ay dalka keensadeen, annaga ma dilnee waan badbaadinnaa”ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur oo marka uu shirka jaraa’id qabanayay ay ku wareegsanaayeen Xoogag ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab waxaa uu ka hadlay amarkii ay ku xireen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna sheegay in garoonka uu weli u xiran yahay, balse laga wada hadli karo haddii la furayo, “Garoonka waan la soconnaa waxaan isticmaalkiisa ka maarmin Shacabka Soomaaliyeed, balse waxaa ka soo dega Ciidamada Cadawga Soomaaliyeed, sidaas darteed ayaan u xirnay, waase laga wada hadli karaa furitaankiisa”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Hadalkan uu sii daayay Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay ay Magaalada Djibouti heshiis ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo qodobada heshiiskaasna ay ugu muhiimsanaayeen labo qodob oo kala ah in ay Ciidamada Itoobiya 21 maalmood gudahood uga baxaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho oo kala ah Warshadda Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo qodob kale oo ah in xabadda la joojiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia