Afar Ruux oo lagu dilay bartamaha Beledweyne

Isniin, October 27, 2008(HOL):  Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta duhurradii waxay ku dileen bartamaha magaalada Beledweyne, gaar ahaan nawaaxiga Saldhiga Booliska labo nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen shirkad sigaarka ka ganacsatada oo Business Royal la yiraahdo.

Rasaastii labaas nin lagu dilay ayaa sidoo kale waxay sababtay geerida haweeney iyo dhaawaca shan ruux oo kale kuwaasi oo ka dhawaa halka raggan lagu dilay, waxayna dhimashada ka dhacday maanta magaalada Beledweyne ay noqoneysaa seddex ruux.

Ciidamada Maxkamadda Islaamka Gobolka Hiiraan ee ka howlgala Magaalada Beledweyne ayaa waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan raggii dilkaas geystay oo seddex ahaa, kuwaasi oo mid ka mid ah la toogtay, halka labada kalena  lagu hayo Saldhigga Booliska ee Magaalada.

Dilka raggani ka tirsanaa Shirkadda Business Royal ee sigaarka ka ganacsata ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan uu jiray muran shirkadda ka dhex taagnaa, kaasi oo aan la ogeyn waxa uu salka ku hayay, lamana oga in khilaafka shirkadda ka dhex jiray iyo dilkan uu isla xiriirsan yahay.

Magaalada Beledweyne oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa dhawaan lagu dilay Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Alle ha u naxariistee Dacar Xirsi Xooshow, kaasi oo ay bartamaha magaalada ku toogteen rag hubeysan oo aan ilaa iyo haatan la soo qabanin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia