Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in uusan macno lahayn Heshiiskii Jibouti Xabaddana ay sii socon doonto

 Shiikh Xasan DaahirAweys

Isniin, October 27, 2008(HOL): Shiikh Xasan DaahirAweys oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa shaaca ka qaaday in uusan wax macno ah lahayn heshiiskii ay shalay Jibouti ku gaareeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in aysan jirin wax maslaxad ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu jirto heshiiska lagu gaaray Jibouti, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay sii socon doonto xabadda lagu ridayo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay sababta uu macno la’aanta ugu tilmaamayo heshiiskaas waxaa uu sheegay in aan ilaa iyo haatan laga heynin Itoobiya iyo Qaramada Midoobay in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya, “Maalin ay Qaramada Midoobay dhahday haka baxaano Ciidamada Itoobiya Soomaaliya ma jirto, taasina waxay kuu caddeyneysaa in aan la rabin in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir.

“Inta uu Askari Itoobiyaan ah ku sugan yahay gudaha Soomaaliya xabadda waa ay soconeysaa, mana joogsaneyso, waxaana ugu baaqeynaa muqaawamada in ay dagaalka sii wadaan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiikh Xasan Daahir Aweys oo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in Itoobiya aysan dooneyn in ay ka baxdo Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay haatan dooneyso in ay Soomaaliya u soo sameyso hoggaan kale kadib markii sida uu hadalka u dhigay ay is-fahmi waayeen hoggaankii hore, wuxuuna intaas ku daray in uu arrintaas Mareykanka wax ka wado.

Hadalkan uu sii daayay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay ay Magaalada Djibouti heshiis ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo qodobada heshiiskaasna ay ugu muhiimsanaayeen labo qodob oo kala ah in ay Ciidamada Itoobiya 21 maalmood gudahood uga baxaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho oo kala ah Warshadda Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo qodob kale oo ah in xabadda la joojiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia