Isniin, October 27, 2008(HOL): Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya Cidiamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka horjeeda.
Dagaalka oo ka dhacay nawaaxiga Warshaddii Baastada,Warshaddii Xeyla Bariise iyo qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamadaas ku sugan yihiin.
Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha uu rasmi ahaan geystay dagaalkan, waxayse Afhayeenno u hadlay Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ay sheegeen in ay khasaare u geysteen Ciidamada ku sugan fariisimada ay weerareen.
Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo xooggag ka soo horjeeda, waxayna taasi keentay in ay degmooyinkaas ka barakacaan dadkii ku noolaa.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay saacado kadib markii ay shalay Dalka Jibouti heshiis xabad joojin ah ku kala saxiixdeen Ergooyin ka kala socday Dowladda Federaalkka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in ay dhaqangelin doonaan heshiiska ay wada gaareen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia