Isniin, October 27, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa qarax lagula beegsaday inta u dhaxeyso Degmada Afgooye iyo Deegaanka Carbiska.
Ciidamadan ayaa markii qaraxa lala beegsaday waxay hakiyeen socodkooda, waxayna howlgallo ka sameeyeen halka qaraxa lagula beegsaday iyo deegaannada u dhow, iyadoo dadkii deegaankaas ku dhaqnaana ay halkaas isaga carareen.
Wararkii ugu dambeeyay ee Ciidamadaas naga soo gaarayna waxay sheegayaan in ay deegaanka Ceelasha Biyaha ku dileen labo ruux, kuwaasi oo la sheegay in ay taagnaayeen hareeraha wada marta Deegaanka Ceelasha, iyadoo la sheegayo in Ciidamada ay toogashadaas geysteen kadib markii dhagax-tuur lagu sameeyay.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa intii ay ku soo socdeen wadada isku xirta Magaalooyinka Baydhabo iyo Afgooye waxaa lagu weeraray labo goobood oo ku yaala inta u dhaxeysa Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Wanla-weyn oo ka kala tirsan Gobollada Bay iyo Shabeelkaha Hoose.
Ciidamada Itoobiya oo muddo labo sano ah ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa marka ay ka baxayaan Dalka Soomaaliya iyo marka ay soo gelayaan waxaa lala beegsadaa weerarro ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaqa ah, kuwaasi oo ay ku qaadaan xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia