
Isniin, October 27, 2008(HOL): Dowladaha Canada iyo Australia ayaa maanta waxay deeq dawo iyo shidaal ah gaarsiiyeen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee Magaalada Muqdisho Deeq Dawo iyo Shidaal isugu jirtay.
Deeqdan Dawada ah ayaa waxaa Isbitaalka Banaadir gaarsiiyay Ciidamada Amisom oo ay Dowladahaas u soo wakiisheen, waxaana guddoomay Agaasimaha Isbitaalkaas Dr. C/risaaq Cali Xasan.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-hoku ayaa sheegay in deeqdan dawada ah ay tahay mid ay u soo dhiibeen Dowladaha Canada iyo Australia, iyagana ay kaliya gaarsiiyayaal yihiin.
Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir Dr. C/risaaq Xasan Cali ayaa sheegay in deeqda dawada ah ee labadaas dowladood uga timid ay tahay mid soo gaartay xili uu Isbitaalka baahi u qabay, wuxuuna u mahadceliyay Dowladahaas, isagoo ka rajeeyay in ay sii wadi doonaan kaalmeynta shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ayaa waxaa ku jira Hooyooyin iyo Caruur xanuuno kala duwan qaba iyo weliba Dad da’aad kala duwan leh, kuwaasi oo iyana qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladaha Canada iyo Australia ee deeqdan soo gaarsiiyay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gudaha Dalka Soomaaliya looga heystaa labo wariye oo Soomaaliya u tegay in ay ka soo waramaan dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia