Isniin, October 27, 2008(HOL): Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa gunaanadkii shirkooda waxay ka soo saareen qodobo ku saabsan khilaafka soo kala dhexgalay madaxdii Maxkamadaha Islaamka, Dagaallada socda, madaafiicda laga tuuro goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin, shir ay u qabanayaan dhinacyada ay u kala baxeen Maxkamadihii Islaamka iyo qodobo kale.
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo Culumaa’udiinka shirka isugu yimid u hadlay ayaa wuxuu saxaafadda u aqriyay qodobo ay shirkooda ka soo saareen, waxaana qodobadaas ka mid ahaa:
In ay waajib tahay in la sii wado dagaallada ka socda Soomaaliya tan iyo inta uu Askariga ugu dambeeyo ee shisheeye uu ka baxayo Soomaaliya.
In ay Shir isugu yeerayaan dhinacyada Maxkamadaha Islaamka ee uu khilaafka soo kala dhexgalay muddo 30 maalmood gudahood ah.
In Ciddii labada dhinac ka mid ah ee shirkaas ka baaqsata ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.
In ay Xaaraan tahay in ay labada dhinac warbaahinta isu marsiiyaan dacaayado ay iska fidinayaan.
In ay dhinacyada is-khilaafsan aysan wax heshiisyo geli karin tan iyo inta shirkaas la isaga imaanayo.
In Dagaalka ka socda Dalka Soomaaliya ay hoggaaminayaan Culumaa’udiinka iyo Hoggaamiyayaasha Xoogagga Maxkamadaha ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Shirka ay isugu yimaadeen Culumaa’udiinkan ee go’aannada laga soo saaray ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaaf oo kala dhexgalay madaxdii sare ee Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo khilaafkooda uu gaaray in ay qalabka warbaahinta isu marsiiyaan hadallo lid isku ah, iyagoo weliba kala goostay mas’uuliyiintii iyo taageerayaashii Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia