Isniin, October 27, 2008(HOL): Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sii qul-qulayay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa maanta la diiwaangeliyay.
Xidlhibaannadan oo aad u tiro badan ayaa maanta loo sameeyay diiwaangelin iyo Kaarar Aqoonsi ah, waxaana lagu wargeliyay in ay berri shir la leeyihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD.
Ilaa iyo haatan lama oga waxyaabaha uu ku saabsan kulanka loogu yeeray Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayeeshee waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in sababta baarlamaanka loogu yeeray ay tahay in uu wax ka bedel ku sameeyo qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, bacdamaa uu sii dhamaanayo waqtigii loo cayimay oo shan sano ahaa.
Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Moses Wetangula oo ka mid ah Wasiirrada IGAD ee uu berri Baarlamaanka Soomaaliya martida u yahay ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu sheego waxa uu ku saabsan yahay, inkastoo uu xusay in ay Dowladda Federaalka IGAD ahaan kala hadlayaan mudadii afarta sano ahayd ee ay jirtay wixii u qabsoomay, wixii u qabsoomi waayay iyo Arrimo ku saabsan Ammaanka, Siyaasadda iyo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.
Magaalada Nairobi haatan waxaa ku sugan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa,Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre iyo Mudanayaal Baarlamaan oo isugu jiray kuwo Muqdisho iyo Baydhabo laga qaaday iyo kuwo horay u sii joogay Magaalada Nairobi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka soo baxday shir uu soo qaabeeyay Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo socday muddo labo sanadood ah, waxayna ahayd 22-kii Agoosto 2004 markii la doortay Baarlamaanka Soomaaliya oo isna 10-kii Oktoobar 2004 soo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia