
Talaado, November 18, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Cali Faarax Casoowe, ka dib markii ay kormeer ku soo mareen saddexdii goobood ee Weerarada lala beegsaday 29-kii October.
Inkasta oo aan Saxaafadda loo ogolayn Kulankaa, haddana sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Caddaani Mooge, waxay Weftigan oo Madaxweyne Rayaale ka wada hadleen xoojinta Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, isaga oo Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Madaxweyne Rayaale gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo Tacsi isugu jira oo uu ka siday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Ka hor intii aanu Weftigani la kulmin Madaxweyne Rayaale, waxay kormeer ku soo mareen goobihii Weerarada lala beegsaday 29-kii October eek ala ahaa, Xafiiska UNDP, Xafiiskii Ganacsi ee Itoobiya iyo sidoo kale Xarunta Madaxtooyada Somaliland. kuwaas oo waxyeello ba’ani ka soo gaadhay Weeraradii lala beegsaday. Hase ahaatee, waqtigii ay Weftigani ku gudo-jireen Kormeerkaas ayaa aad loo adkeeyay ammaanka goobaha ay booqanayeen oo markii horeba la adkeeyay.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada eek u saabsan Kulanka Weftiga iyo Madaxweyne Rayaale, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cali Faarax Casoowe. Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga reer Jabuuti , waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada Nabad gelyada iyo Dhaqaalaha,.. Waxaana Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti uu Madaxweynaha iyo shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo tacsi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka tacsiyadaynayay dhacdadii waxshinimada ee argagaxisadu ay ka fulisay caasimada Hargeysa.
Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhamaaday Jawi fiican oo is afgarad. Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirada Maaliyada MudaneXuseen Cali Ducaale, Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali“Cirro”, Duulista iyo Hawada Mudane Cali Waran cadde iyo MaayarkaCaasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland