Sarkaal u hadlay Ciidamada Amisom oo sheegay in dhaqdhaqaaqyo ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay fulinta Heshiiskii Jibouti

Talaado, November 18, 2008(HOL): Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho Gen. Francis Okelo ayaa shaaca ka qaaday in dhaqdhaqaaqyo ay Ciidamada Amisom ka bilaabeen gudaha Muqdisho uu qeyb ka yahay hirgelinta heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Gen. Okelo waxaa uu sheegay in Ciidamadooda oo shalay fariisin ka sameystay Xarunta Kuliyaddii Jaalle Siyaad ay taasi uga gol leeyihiin in ay ku hirgeliyaan Heshiiskii Jibouti oo ay qodobadiisa ku jireen in ay 21-ka bishan Ciidamada Itoobiya ka baxaan Fariisimo ay ku leeyihiin Muqdisho, kadibna meelaha ay ka guuraan lagu wareejiyo Ciidamada Amisom, kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Amisom waxaa uu intaas ku daray in ay si weyn u soo dhaweynayaan in uu dhaqangelayo heshiiskii Jibouti, wuxuuna si gaar ah u xusay qodob ku saabsanaa xabad-joojin ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna caddeeyay in aaney ilaa iyo haatan jirin cid labada dhinac ka tirsan oo xabad-joojintaas jebisay.

Haddaba iyadoo Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Amisom uu sheegayo in ay dhaqangashay xabad-joojintii lagu gaaray Jibouti ayaa shalay oo ugu dambeysay waxaa fariisim cusub oo ay Ciidamada Amisom ka sameysteen Kuliyadii Siyaad waxaa weerar ku qaaday Xoogag ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Dad rayid ah oo deganaa xarunta Kuliyaddii Jaalle Siyaad ayaa tan iyo markii ay Ciidamada Amisom shalay degeen xaruntaas waxay iyaga iyo agabyadii guryaha u yaalay ku sugan yihiin  inta u dhaxeysa Warshaddii Caanaha iyo Kuliyaddii Jaalle Siyaad, waxayna sheegayaan in aysan aqoonin meel ay u jiheystaan oo ay degaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia