
Talaado, November 18, 2008(HOL): Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa waxay af-duubteen Markab weyn oo ay ku raran tahay saliid aad u badan, kaasi oo laga leeyahay Dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Markabkan oo lagu magacaabo 'Sirius Star' ayaa waxaa ku raran saliid ceyriin oo gaareysa 2 Milyan oo Buusto, waxyana Kooxaha Burcad Badeedka ka soo af-duubteen Badweynta Hindiya, gaar ahaan meel 450 mile Koofur Bari u jirta Dekedda Mombasa ee Dalka Kenya.
Markabkan oo la sheegay in uu yahay mid aad u weyn ayay Kooxaha Burcad Badeedka ula dhaqaaqeen Xeebaha Soomaaliya, gaar ahan Deegaanno ka tirsan Gobollada Mudug iyo Nugaal, halkaasi oo ay ku heytsaan Maraakiib badan oo uu ku jiro mid hub uu ku raran yahay.
Saraakiil u hadlay Talisyo uu Mareykanka ku leeyihiin Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa si weyn walaac uga muujiyay af-duubkan Markabkan, waxayna sheegeen in ay tahay markii ugu horeysay oo ay Kooxaha Burcad Badeedka qabsadaan Markab aad u weyn tan iyo markii ay ka dilaaceen Xeebaha Soomaaliya.
Mike Mullen oo ka mid ah Saraakiisha Sare ee Ciidamada Badda Mareykanka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Washington ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin Markabka saliidda wada ee ay qafaasheen Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya, wuxuuna ka dhawaajiyay in ay haatan markabkaas dusha ka eegayaan Ciidamadooda Badda ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamada Caalamiga ah ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa mar kasta oo la weydiiyo sababta ay wax uga qaban la’ yihiin Kooxaha Burcad Badeedka waxay sheegaan in Dowladaha Maraakiibta leh ay ka door-bidaan in lala dagaallamo Burcad Badeedka in ay la xaajoodaan, kadibna ay siiyaan lacag madax-furasho ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia