Talaado, November 18, 2008(HOL): Col. Cumar Xaashi Aadan, Xog-hayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti oo maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan, ayaa lugtiisii ugu horeysan socdaal uu ku soo maray deegaanno ka tirsan Gobalka waxaa uu ku tagay Tuulada Beer-gadiid oo qiyaastii 20-km u jirta Degmada Matabaan.
Cumar Xaashi Aadan oo saacado badan ku qaatay Tuulada Beer-gadiid ayaa kulan waxaa uu kula yeeshay Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan dadka ku dhaqan Tuulada isaga oo kala hadlay arrimo la xiriira Ammaanka Gobalka iyo waliba sidii looga qeyb qaadan lahaa hergalinta dib u hishiisiinta ka socota dalka, waxaana wararku intaas ku darayaan in wax yaabihii ugu badnaa oo ay ka wada hadleen Cumar Xaashi iyo Odayaasha reer Beer-gadiid ay ahaayeen ilaalinta darisnamada iyo bad-baadinta dadka ku safra wadada isku xirta Goballada dhexe.
Laakiin sida uu HOL u sheegay mid ka mid dadkii Safarka ku wehliyay Col. Cumar Xaashi Aadan kama marneyn socdaalkiisa dayaarinta Ciidamo gacan ka geysta howlaha Isbaheysiga uu ka tirsan yahay uu ka wado Gobalka Hiiraan, taasoo qeyb ka aheyd waxyaabihii laysku soo qaaday intii uu kulanku socday.
Socdaalka Cumar Xaashi Aadan oo ahaa kii ugu horeeyay oo uu ku tago qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa muujinaya dadaalka Xubnaha Isbaheysiga dib u Xoreynta ugu jiraan ka hirgalinta Gobollada ay ku sugan yihiin qodobadii lagu gaaray hishiiskii Jabuuti.
Dhinaca kale Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Gaal-jecel kulan ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne waxaa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah gaar waxaa ay Odayaashu sheegeen in aysan aqoonsaneyn Maamulka hadda ka jira Gobalka Hiiraan, iyaga oo dhinaca kalana sheegay in aysan raali ka ahayn sida ay hadalka u dhigeen in Gobalka Hiiraan uu yeesho muddo 18-sano ah kadib hoggaamiye kooxeed.
Mar la weydiiyay Xaaji Muqtaar Khataarey oo Guddoomiye u ah guddi Beeshaas dhisatay in hogaamiye kooxeed uu ula jeedo Maamulka Maxkamadaha ee ka dhisan Gobalka iyo in kale waxaa uu yiri ''Maya laakiin waxaa jira shaqsiyaad kale oo doonaya in ay u dhaqmaan sidii ay u dhaqmi jiraa hoggaamiye kooxeedyada” ayuu yiri Guddoomiye Khataarey oo intaa sii raaciyay in Beeshiisu ilaalin doonto Nabad-galyada iyo daris wanaagga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Col. Cumar Xaashi Aadan oo kulan kula yeeshay Odayaal iyo Waxgarad Tuulada Beer-gadiid ee Degmada Matabaan
More News
- Wefti ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo kormeer ku soo maray goobihii Qaraxyada lala beegsaday ee Hargeysa
- Dowladda Itoobiya oo sheegtay in aysan diyaar u ahayn in ay Ciidamadeeda naftooda u huraan difaacidda Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxweynaha Liibiya ka codsaday in uu gacan ka geysto soo celinta Nabadgelyadii Soomaaliya
- Dowladda Mareykanka oo Muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Dalalka Soomaaliya iyo Eritrea
- Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay sababta ay ula wareegeen gacan ku heynta inta badan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose
- Markabkii ugu weynaa oo saliid wada oo ay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah af-duubteen
- Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo howlgallo Burcad Sifeyn ah ka fuliyay inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobollada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose
- Sarkaal u hadlay Ciidamada Amisom oo sheegay in dhaqdhaqaaqyo ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay fulinta Heshiiskii Jibouti