Dowladda Mareykanka oo Muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Dalalka Soomaaliya iyo Eritrea

Talaado, November 18, 2008(HOL): Qoraal laga soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta u dhashay Mareykanka looga digayo in ay u safraan dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

Wasaaradda Dibadda Mareykanka waxay sheegtay in wax ay ugu yeertay argagixiso ka jirta Soomaaliya iyo Eritrea oo aan Asmara bannaankeeda loo safri karin ayay  dalalkaas ka dhigeen kuwo aan ammaankooda la isku haleyn karin, sidaas darteedna ay muwaadiniinteeda uga digeyso in ay dalalkaas u safraan.

“Soomaaliya Mareykanka kuma lahan Wax Safaarad ah, sidoo kalena ma jiraan Wax Diblumaasiyad ah oo aan Soomaaliya ku leenahay, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ma dabooli karto baahida Muwaadiniinta Mareykanka”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay intaas ku dartay in gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay caadi ka noqdeen af-duubyada, dilalka, jid-gooyooyinka sharcio darrada ah iyo dhaca, iyadoo ay sii dheer yihiin dagaallo mar kasta ka dhaca.

Dhinaca Dowladda Eritrea-na waxay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka in ay Dowladda Eritrea ku wargeliso dad doonaya in ay Asmara dibaddeeda u safraan in ay 10 maalmood ka hor soo gudbiyaan baahidooda arrintaas ku saabsan, iyadoo ay sii dheer tahay in aaney Dowladda Eritrea ku soo wargelisay Safaaradda Mareykanka ee Asmara haddii la xiro Muwaadiniinta Mareykanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia