Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay sababta ay ula wareegeen gacan ku heynta inta badan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur
Talaado, November 18, 2008(HOL): Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay meel fagaare ah kala hadlay Dadka ku dhaqan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay sababta ay xoogagga Al-Shabaab ula wareegeen gacan ku heynta inta badan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shiikh Mukhtaar waxaa uu sheegay in sababta ay ula wareegtay gacanta ku heynta Gobolka Shabeelaha Hoose ay tahay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka ay ka hirgeliyaan Gobolka, wuxuuna dadka gobolka ugu baaqay in ay ku gacan-siiyaan sidii ammaanka loo sugi lahaa, wixii munkar ahna looga hortegi lahaa.

“Annaga cid aan si gaar ah duullaan ugu nahay ma jirto, kaliya waxaan rabaa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo Gobolka Shabeelaha Hoose”ayuu yiri Abuu Mansuur Afhayeenka Al-Shabaab.

Shiikh Mukhtaar Roobow oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay wax ka qaban doonaan Ammaanka Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kalena waxaa uu sheegay in ay dadka u kala garsoori doonaan, “Qofkii la dulmiyay ciddii dulmisay ayaa loo ciqaabi doonaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuu Mansuur.

Dhanka kalena, Abuu Mansuur waxaa uu shaaciyay in ay gacan ka geysan doonaan dib u heshiisiinta beelo colaado dhexmartay oo ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna sheegay in ay beelahaas u kala gar-qaadi doonaan iyadoo waxyaabaha colaaddooda salka ku heyso lagu saleyn doono Shareecada Islaamka.

Hadalka uu sii daayay Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo inta badan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose ay la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab oo ka mid ah Xoogagga Islaamiyiinta ah ee sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada shisheeye ee Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia