Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxweynaha Liibiya ka codsaday in uu gacan ka geysto soo celinta Nabadgelyadii Soomaaliya

Talaado, November 18, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Magaalada Tripoli ee Dalka Liibiya ayaa ka codsaday Madaxweynaha Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi in uu gacan ka geysto soo celinta nabadgelyadii Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan jeediyay kadib kulan saaqado qaatay oo uu la yeeshay Madaxweynaha Liibiya Col. Qadaafi, wuxuuna ka codsaday madaxweynaha Liibiya in Beesha Caalamka uu ku tirtirsiiyo in Soomaaliya laga badbaadiyo burbur ku yimaada iyo dagaallo iyo macluul ay dad badan ku dhintaan oo mar kale dhaca.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dalka Liibiya waxaa uu ku tegay casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, kaasi oo la sheego in uu u dhaxeeyo Xiriir saaxibtinimo oo muddo dheer ah.

Intii uu kulanka socday kulanka labada madaxweyne dhexmaray, madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi warbixintii ugu dambeysay ee Xaaladda Dalka Soomaaliya.

Socdaalka uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku tegay Dalka Liibiya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo soo jiitamayay muddo bilooyin ah, welina xal-ka-gaaristiisa aan lagu guuleysan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia