Talaado, November 18, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka shalay waxay howlgallo burcad sifeyn ah ka fuliyeen inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo ku sugan Degmada Balcad lagu soo wargeliyay shalay inay kooxo burcad ah dhibaato ka wadaan wadada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Afgooye.
“Markii uu na soo gaaray warka ku saabsan in ay kooxo burcad ah dadka ku dhibaateeyaan Wadada isku xirta Balcad iyo Afgooye waxaan halkaas u dirnay Ciidamo ku sugnaa Degmada Balcad, waxayna Tuulada Baqdad oo labada degmo u dhaxeysa ugu tageen Kooxihii Burcadka ahaa, waxaana u suurtagashay Ciidamadeena in ay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah kooxihii Burcadda ahaa iyo hub ay ka carareen kuwii baxsaday”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in midkii la soo qabtay uu ku xiran yahay xabsiga Degmada Balcad, maxkamadna la soo taagi doono.
Shiikh C/raxiin waxaa uu sheegay in Kooxahaas Burcadda ah ay in muddo ah halkaas dadka safarka ku dhibaateynayeen, wuxuuna caddeeyay in haatan wixii ka dambeeya ay halkaas howlgallo ka sameyn doonaan, ammaanka Wadada isku xirta Balcad iyo Afgooye-na ay sugi doonaan.
Dhanka kalena Deegaanno ka tirsan Deegaannada Gumarrow iyo Raage Ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa laga soo sheegayaa kooxo Burcad ah oo dadka ku safra Wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobollada Dhexe oo dhinaca Xeebta marta dhibaato u geysta.
Dad ku dhaqan Deegaanka Gumarrow ayaa sheegay in kooxaha burcadda ah ee deegaankaas ka dilaacay ay yihiin Dhalinyaro Caweysley ah oo dadka u dhaca si ay u helaan lacag ay ku caweeyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia