Madaxweyne Yuusuf oo London kula shiray madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain


Talaado, November 11, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Abdullahi Yusuf Ahmed ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Ingriiska madax ka socota Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Ingriiska.
 
Wefdigan ayaa waxa hoggminayey Wasiirka Africa iyo Asia, Lord Mark Malloch Brown iyo madax ka socota wasaaradda arimaha dibedda ee dalka Ingriiska. Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyey sidii qurudxda iyo maamuuska ahayd ee loo soo dhoweeyey, kadibna u gudbiyey warbixin ku saabsan Soomaliya gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dib u heshiisiinta.

 Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa Lord Brown ka gudoomay salaan uu uga waday Raysal Wasaara Gordon Brown, Wasiirka ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha aqbalaadda uu u aqbalay kulankan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdiisu taageersan tahay arrimaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ee ay DKMG ah ka waddo Dalka Soomaaliya, isla markaasna ay dowladiisu diyaar la tahay in ay kordhiso macaawimada ay dalka Soomaaliya u fudiso.
 
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed ayaa markale ku celiyey in Dowladda Ingriisku ay kordhiso taageerada howlaha bani'aadminimada ee loo fidiyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku tabaaloobay colaadaha iyo abaaraha.

Hiiraan Online News Desk