Talaado, November 11, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay maanta la wareegeen gacan-ku-heynta Degmadaas.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa intii aysan la wareegin Degmadaas waxaa horay halkaas uga talinayay maamul ay soo magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si nuxuus ah uga shaqeynayay Gobolka Shabeelaha, kaasi oo ay mas’uuliyiintiisa ka ceyrsadeen Degmada.
Sida wararku nagu soo gaarayaan Xoogagga Al-Shabaab waxay la wareegeen Xarunta Degmada, Xarunta Saldhigga Booliska iyo goobo muhiim u ah isu socodka Magaalada, waxaana meel kasta oo magaalada ka mid ah haatan lagu arkayaa Xoogagga Al-Shabaab.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Xoogagga Al-Shabaab ay sidoo kale maanta la wareegeen gacan-ku-heynta Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo hoos-taga maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee ay Dowladda Federaalka magacawday.
La wareegitaanka Al-Shabaab ee Deegaannada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay iyo xalay ay dagaallo ka dhaceen Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalladaasna ay u dhaxeeyeen Xoogag ka amar qataa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dhalinyaro deegaanka ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia