Col. Cumar Xaashi Aadan oo beeniyay war lagu daabacay mid ka mid ah Bogaga Internetka.

Talaado, November 11, 2008(HOL): Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Xog-hayaha Arrimaha gudaha Isbaheysiga dib u Xoraynta Soomaaliya ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamay war lagu shaaciyay mid ka mid ah Bogagga Internetka oo sheegayay in Col. Cumar Xaanshi hanjabaad u diray Ururrada ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya.
 
Waxaa uu sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah isla markaana meel uga dhacaya sida uu hadalka u dhigay sharciga iyo xeerka u digasan Warbaahinta oo ah ayuu yiri mid u baahan in la dhowro, waxaana uu intaas ku daray marka la daabacayo in wararkaa oo kale loo baahan yahay cadeymo rasmi ah in laga hayo shaqsiga warkiisa la soo xiganayo.
 
"Annigu marnba kama hadlin urur iyo koox toona, waxaana hubaal ah in shaqsi kasta oo muwaadin Soomaali ah xil ka saaran yahay Nabad-galyada dalka, sidaas daraadeed ma 'garan karo halka laga keenay warkan ah hanjabaadda ee aan u diray qaar ka mid ah kooxaha ka jira dalka” ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan oo dhinaca kale sheegay warkaasi yahay mid si gaar ah u khuseynaya Bogagga lagu daabacay.
 
Lakiin Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa dhinaca kale sheegay in marnaba aan loo dul qaadan doonin dilalka micno darrada ah ee lagu u gaarsano dadka rayidka ah ee ku dhaqan Gobalka Hiiraan "' Annagu cidna gorgortan kala geli-meyno Nabad-galada Gobalka Hiiraan iyo dadka ku dhaqan intaba, waad la socotaan inta ruux ee lagu dhex dilay gudaha Magaalada wixii hadda ka dambeeyana uma dul qaadan doono in ay dhacaan arrimahaa oo kale hana ogaadeen kuwo dilalkaasi fulay in la soo gaaray waqtigii laga hortagi lahaa” ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan oo hadda ku sugan Magaalada Beledweyne.
 
Dhinaca kale waxaa uu sheegay mar uu ka hadlayay Siyaasadda Isbaheysiga uu ka tirsan yahay in mar walba ay tahay mid ku dhisan in Nabad laga shaqeeyo isla markaana farqi kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal'' Qof kasta oo Soomaali ah waa uu ka dheregsan yahay dagaal wax uu yahay, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeedna uma baahna maanta in mar kale dib loogu celiyo sanadihii bur burka ee la soo maray, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqeynaa dhamaan qeybaha bulshada in loo soo jeesto dib u soo nooleyta Nabad-galyadii luntay ee Dalka Soomaaliya ayuu hadalkiisa sii raaciyay Col. Cumar Xaashi oo qaar ka mid ah qalabka warbaahinta kula hadlayay Hotelka uu ka degan yahay Magaalada Beledweyne.
 
Ugu dambeyntiina waxaa uu ka codsaday qeybaha warbaahinta in ay mar walba iska hubiyaan wararka ay qaadanayaan, gaar ahaan waxaa uu kula dar daarmay bahda Saxaafada in ay wararkooda u weeciyaan ka shaqeynta Nabadda, maadaama uu yiri Suxufiga muwaadinka ah looga baahan yahay in uu aqoontiisa uga faa'iideeyo Bulshada dhibaateysan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia