Ciidamo Itoobiyaan ah oo Wadaad Mua’din ah ku dilay Degmada Wardhiigley

Talaado, November 11, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan xaafadda Xamar Bile ee Degmada Wardhiigley ayaa waxay toogasho ku dileen Wadaad Mu’addin ka ahaa Masjid ku yaala Xaafaddaas.

Dad ku dhaqan Xaafadda ninkaas lagu dilaya ayaa sheegay in Wadaadka oo ka soo tegay Masjidka uu Mu’adinka ka ahaa uu ku soo dhex dhacay Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhufeysyo ku jiray, kuwaasi oo uu sida la sheegay uu soo gaari waayay dhawaqa amar ay ugu sheegayeen in uu dib uga noqdo.

Wadaadka ay Ciidamada Itoobiyaanka dileen ayaa lagu magacaabi jiray Shiikh Cabdulle Maxamuud Jimcaale, wuxuuna ahaa Wadaad si weyn looga yaqaanay Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Wardhiigley.

Wiil uu dhalay Wadaadka la dilay oo lagu magacaabo Bashiir ayaa xaqiijiyay in ay Aabihiis dileen Ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in qoyskooda iyo dadkii yaqaanay Aabihiis ay si weyn uga xumaadeen falka dilka ah ee ay Ciidamada Itoobiyaanka kula kaceen Aabihiis.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay dhowr jeer oo hore sidaas oo kale u toogteen dad ku soo dhex dhacay meel ay dhufeysyo uga jireen, waxaana jira xaafado aan la marin oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi  oo ka tirsan Degmooyinka Wardhiigley, Howl-Wadaag, Hodan, Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia