Weerarradii ka dhanka ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka oo Baydhabo dib uga bilowday

Talaado, November 11, 2008(HOL): Iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay dib ugu soo noqonayeen magaalada Baydhabo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaanahan ku maqnaa Magaalada Nairobi ayaa waxaa xalay la weeraray guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan Yuusuf Maxamed Kheyr Guurow.

Weerarka lagu qaaday guriga Xildhibaanka oo loo adeegsaday Bambo gacmeed ayaanan geysan khasaare baaxad leh, waxaana la soo weriyay in ay kaliya ku dhaawacmeen labo ruux oo ku sugnaa iridka guriga Xildhibaanka, waxaana dhaawaca labadaas ruux lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo lagu qaado guri uu degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii Xildhibaannada Baarlamaanka loo qaaday Magaalada Nairobi si ay ula soo kulmaan Madax ka socotay IGAD.

Laakin waxaa jiray weerarro horay loogu qaaday guryo ay degan yihiin Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasi oo uu xitaa ku jiro Guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay jireen xildhibaano lagu dilay Baydhabo oo kala ahaa Cabdalla Deerow Isaaq iyo Maxamed Cusmaan Maye.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan wuxuu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana ka dhacayay dilal loo geysto dadka la shaqeeya Dowladda, qaraxyo lala beegsado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee magaaladaas ku sugan iyo weliba weerarro madaafiic loo adeegsado oo lagu qaado Xarumaha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda.

24-kii saac ee aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacay Magaalada Baydhabo dil loo geystay Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Gobolka Bay Xasanow Isaaq iyo qof rayid ah oo ay dileen Ciidamada ammaanka ee Magaalada Baydhabo, kaasi oo la sheegay in aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay Ciidamada u dileen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia