Imaamkii Masjid Muqdisho ku yaala oo laga sii daayay Xabsi ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya

Talaado, November 11, 2008(HOL): Shiikh Maxamed Xuseen Geelle oo ah Imaamka Masjidka Fiyoore ee Degmada Wardhiigley oo ay 11 maalmood ka hor xireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sii daayay oo xoriyaddiisa dib u helay.

Shiikha oo markii la sii daayay kadib saxaafadda u waramayay ayaa sheegay in kadib markii wax dembi ah lagu waayay la sii daayay, inkastoo uu sheegay in uu 11 maalmood ku noolaa xaalad xoriyad la’aan ah.

Shiikh Maxamed Xuseen Geelle ayaa sheegay in 11ka maalmood ee uu xirnaa uu 4 maalmood oo ka mid ah uu xirnaa xabsi ku dhex yaala Xarunta Madaxtooyada, halka 7da kalena uu ku xirnaa Xabsiga Xarunta Baarista Xisbiga.

“Ma jirin wax dhibaato ah oo la ii geystay intii aan xirnaa, marka laga reebo in markii la i xirayay ay dhalinyaradii i kaxeyneysay si  aan wanaagsaneyn iila dhaqmeen”ayuu yiri Shiikh Maxmed Xuseen Geelle oo sheegay in sii deyntiisa ay dadaal weyn u galeen dad ehelladiisa ah iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo uu sheegay in ay u arkeen qof aan dembi lahayn.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Maxamed Xuseen Geelle ayaa 11 maalmood ka hor xili uu u sii shaqo tegayay Suuqa Bakaaraha waxaa gudaha Degmada Xamar-weyne ka qabtay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedeeyay in uu ka tirsan yahay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo uu Shiikha ku gacan seyray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia