Talaado, November 11, 2008(HOL): Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi General Cadde ayaa Maanta xafiiskiisa ka soo saaray digreeto ku saabsan hirgilinta doorashooyinka iyo guddiga xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland , si aysan u dhicin dhibaatooyin ka dhasha doorashada loo ballansanyahay in Puntland ay ka dhacdo.
Waxaa digreetan oo u nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xafiiska warqabadka HOL ee Boosaaso waxay u qorneyd qaabkan:
Madaxwaynaha Dawlada Goboleedka Puntland Markuu arkay : dastuurka DGPL qodobkiisa 54 farqadiisa 19aad Markuu arkay : xeer Madaxwayne Lr 121 ee december Markuu tixgaliyay: xeerkii hore ee sooyaalka ahaa ee doorashooyinkii hore loogu dhaqmay Markuu garwaaqsaday: Qiimaha iyo iyo ahmiyada ay leedahay ilaalinta dastuurka Puntland wuxuu madaxwaynaha xeeriyay Qodobadaan hoos ku qoran.
1: In Beelaha Gobollada Puntland ee kuraasta ku yeelanaya Golaha Wakiillada DGPL ay beel waliba si xor ah u soo xulato xubnaheeda Golaha Wakiillada, una soo gudbiyaan guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ugu danbayn 10/12/2008 ilaa 30/12/2008
2: Beesha xubnaheeda cusub ku soo xuli wayda 30/12/2008/12:00 ee duhurnimo soona gudbin wayda loo aqoonsaday in ay daysatay xubnahoodii hore.
3: Waxaa la furayaa kalfadhiga ugu horeeya ee golaha wakiilada Puntland ee cusub 01/01/2009,iyagoo dhamays-tiran doona hawshooda gaarka ah ilaa 06/01/2009
3: Waxey dhici doontaa doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka DGPL 08/01/2009.
Waxaa digreetan oo uu saxaafada ka hor aqriyay Wasiirka Warfaafinta DGPL ahna sii haya jagada Wasiirka Kuluumaysiga C/rixmaan Maxamed Saalax Bangax ku saxiixnaa Madaxwayne Cadde Muuse.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia