
Talaado, November 11, 2008(HOL): Xasan Cali Isaaq oo ah Muwaadin Soomaaliyeed wuxuu la xanuunsanayaa buro kaga soo baxday daanka midig oo intey ku faaftay dhamaan qarisay ishiisa midig.
Bukaankan oo laga keenay Degmada Tayeeglow ee Gobolka Bakool xaaladdiisa caafimaad wax looga qaban waayay Isbitaallada ku yaala Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, xitaa Isbitaalka Amisom waa la geeyay, dhaqaatiirta joogtana waxay sheegeen in aysan waxba ka qaban karin.
Haddaba Bukaankan caafimaad darrada heyso waxaa loo helay daweyn dibadda ah, gaar ahaan Isbitaal ku yaala Dalka Kenya, waxaana arrintaas dadaal weyn u galay Cabdi Muuse Maaxaay oo si weyn ugu howlan wax u qabashada dadka dhibaatooyinka caafimaad darro ay ku hayaan Dalka Soomaaliya.
Laakin Cabdi Muuse Maaxaay oo la soo xiriiray HOL waxaa uu sheegay in uu dadka Soomaaliyeed bukaankan uga codsanayo inay ka bixiyaan tikidhka ay Bukaanka iyo qofka kaxeynaya ay ku tegi karaan Nairobi, kaasi oo gaaraya ku dhawaan 1200$, iyo 1000$ oo uu bukaanka u baahan yahay in uu ku dhameysto waxyaabo yar yar oo uu u baahan yahay inta ay daweynta u socoto.
![]() |
![]() |
| Abuukar Qaliiinka ka hor sida uu ahaa | Abuukar Qalliinka kadib sida uu yahay |
Isbitaalka daweynta looga helay Xasan Cali Isaaq oo lagu magacaabo Kijbaabi, Nairobi-na ku yaala waxaa horay loogu daweeyay Abuukar Cali oo ay afka buro uga taalay, kaasi oo haatan xaaladdiisa wanaagsan tahay kadib markii Isbitaalkaas lagu daweeyay.
Sida uu xanuunkan ku haleelay Xasan Cali Isaaq
Xasan Cali Isaaq oo leh Xaas iyo 7 Caruur ah oo ku nool baadiyaha Tayeeglow ee Gobolka Bakool waxaa uu xanuunkan haya ku bilowday kadib markii qori ka soo faniinay geed uu falayay oo beertiis ku dhex yaalay uu ka galay halka burada uga soo baxday, kadibna ay meeshii qoriga ka galay buradan weyn ka soo baxday.
Qofkii doonaya in uu caawiyo Bukaankan wuxuu la xiriiri karaa Caabiyo Ciise oo laga helo 612-298-1044 Minneapolis Minnesota ama Fartuun Hussein oo laga helo 612481-4623 Minneapolis Minnesota ama kala xiriir Cabdi Muuse Maaxaay [email protected]
Hiiraan Online News Desk

