Khamiis, March 06, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa caawa fiidkii wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo weli soconaya, isla markaana la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkan ayaa wuxuu xooggiisa ka dhacayaa inta u dhaxeysa Isgoysyada Al-Baraka iyo Baar Ubax ee Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag, halkaasi oo ay muddo todoobaad ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha uu geystay dagaalkan oo xili habeen ah dhacaya, isla markaana goobta uu ka dhacayo ay tahay meel ay dadkii deganaa horay uga barakaceen sababo la xiriira dagaallo dhowr jeer ka dhacay.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa marka habeenkii la gaaro waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo iska hor-imaadyadaasna ay ka socdaan Magaalada Muqdisho muddo sanad ka badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia