Dagaal ay Dad ku dhinteen oo ka dhacay Tuulada Goobaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Khamiis, March 06, 2008(HOL): Tuulada Goobaale oo ka tirsan Degmada Wanla weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal ay dad ku dhinteen oo u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ku dhintay afar ruux oo rayid ah, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad aan tiradooda la ogeyn sabab la xiriirta isgaarsiinta Tuuladaas oo hawada ka maqan.

Dagaalkaas ayaa marka laga soo tago khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee uu geystay ayaa waxaa uu sababay barakac ku yimid dadkii Tuuladaas ku noolaa, kuwaasi oo u cararay dhulka baadiyaha ah ee Tuuladaas u dhow.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu dhacay kadib markii ay shalay gelinkii dambe Tuuladaas gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababta ay halkaas u tageen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in ay Ciidamadaas baacsanayeen kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo dhawaanahan laga sheegayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, halka warar kalena ay sheegayaan in ay u socdeen dhinaca Gobolka Hiiraan.

Tuulada Goobaale oo 75km dhanka Waqooyi kaga toosan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay ku taalaa xadka u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Bay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay uu dagaal xooggan ku dhexmaray Deegaanka Siinka Dheer ee u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalkaasina ay ku dhinteen dad lix ruux gaaraya, kuwasasi oo isugu jiray Ciidamadii Dowladda iyo Dad Rayid ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia