Ardayda Dugsiga Sare ee Dayib Guray ee Magaalada Hargeysa oo sameeyay Mudaharaad rabshad wata

Khamiis, 06 March 2008 (HOL)- Ardayda dhigata Dugsiga sare ee Dugsiga sare ee Dayib Guray ee Magaalada Hargeysa, ayaa mudaharaad buuq iyo rabshad watay ka hor sameeyay Dhismaha Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland oo dhinaca Cadceed-dhaca kaga qabsan Iskuulkaasi.

Iskuulkan Dayib Guray oo ku yaala waaxda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa ayaa ardaydiisu waxa ay gadoodeen ka dib markii shalay halkaas laga bilaabay seeska dhismo lagu kordhinayo Iskuulkaasi oo ay sheegeen in uu aad u koobanyahay. Islamarkaana waxa ay ku cabanayeen in dhulkii markii hore loogu talo galay Wasaarada hawlaha guud oo bixisay dib ugala noqtay.

Ardaydu 8:30-kii subax-nimo ee shalay ayay isku gadaameen dhismaha Wasaaradda hawlaha guud oo ay taayir ku hor gubeen, islamarkaana waxa ay soo gaadhsiiyeen Wasaarada qasaare kooban iyaga oo jajabiyay muraayadaha Gaadhi Wasaaradu leedahay iyo mid ka mid ah daaqadaha xafiisyada. “Halkii naloo dhisyay waa laga soo durkiyay oo Hawlaha guud ayaa naga qaaday, inta mid naga nool yahayna waanu dhacsanaynaa” sidaa waxa yidhi Mid ka mid ah Ardaydii mudaharaadka samaynaysay.

Ka dib wakhti aan badnayn oo qasaa-wasalan  Wasaarada iyo hareeriheedu ku sugnayd waxa goobtaa soo gaadhay raxan ciidamada bilayska ka mid ah oo uu hor kacayo Taliyaha booliska Maxamed Saqadhi Dubad, kuwaas oo si ay u kala kexeeyaan ardayda gadooday laba-saddex xabadood kor ugu riday.  Waxa iyaguna halkaas gurmad ku yimi Wasiirradda Wasaaraddaha Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne),  Hawlaha guud md, Siciid Sulub Maxamed, Arrimaha gudaha md, Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-ciro) iyo Wasiiru dawlaha waxbarashada md, Maxamuud Garaad Maxamed, kuwaas oo ka hawlgalay sidii ay Ardayda gadooday u dejin lahaayeen, isla markaana ugu celin lahaayeen Galaasyadii Iskuulka ee ay ka soo dareereen markii hore. Iyaga oo Ardayduna garawsaday Masuuliyiinta waanada iyo wax-sheega ugu timi, kuna noqday Fasaladii.

Masuuliyiinta halkaa ka hawlgalay, ayaa Ardayda kulamo gooni-gooni ah kula yeeshay fasalada mid walba gaarkiisa, iyaga oo Ardayda u caqli celinaya, balse kulamadaasi may ahayn kuwo Saxaafada loo ogalaaday guud ahaanba. Hase ahaatee Ardayda Iskuulka ayaa iska soo saaray Guddi tobaneeya ah, kuwaas oo Masuuliyiinta dawlada ay ka wada-hadleen waxyaabihii ay tabanayeen iyo wixii ku kalifay mudaharaadka rabshadaysan ee ay ku kaceen. “Markaad madax noqotaan, Ilaahay Waxaan ka baryayaa inaanu idinku sallidin qaar sidiina ah oo madaxdooda shiida” Sidaa waxa ardaydaasi ku waaniyay Wasiirka hawlaha Guud.  Wadahadalkaa ayaa is faham ku dhamaaday sida ay sheegeen, ka dib markii ay Ardaydu soo bandhigeen baahiyahoodii iyo waxyaabihii ay tirsanayeen oo ay ka mid-tahay sida ay ku cawdeen in aanay lahay goob wax lagu baadho (laab) iyo meelo ay wax ku akhristaan toona iyo in dhismaha la bilaabay shalay uu ka yar intii hore loogu sheegay, taasoo ay ku doodeen inay dareen gelisay islamarkaana ay ku kaliftay kacdoonka ay sameeyeen. 

Wasiirka waxbarashada Somaliland, ayaa u sheegay Ardaydaasi inay qalad ku kaceen, “Waa qaldanteen, Wasaaradda hawlaha guud xaal siiya, hadaad waxbarashada wax ka tabanaysaan shiidka aniga ayaa lahaa ee hawlaha guud ma lahayn, hawlaha guud dhulkay inoogu deeqday oo hambalyo ayay lahaayeen, tiina waad ka baydheene xaal bixiya ayaan idin leeyahay.” Erayadaasi ayaa ka mid ahaa hadaladii Wasiirka waxbarashadu Ardayda ku yidhi. Isaga oo Ardayda u sheegay in hawshan dhismuhu tahay mid u taala Wasaarada waxbarashada iyo Maamulka Iskuulka. Sidoo kalane Wasiirka Waxbarashadu waxa uu u balanqaaday waxyaabaha ay xaga waxbarashadda ka tabanayaan oo uu sheegay in uu si dhakhso ah ugu fulinayo.

Mudaharaadkaasi iyo kulanadaa gooni-goonida ah ka dib, ayaa Saxaafadu Masuuliyiinta ka waraystay sababta arrintan kicisay iyo waxyaabaha ay isku afgarteen ee lagu dhameeyay. “Buuqan saaka (shalay) dhacay waa mid nasiib-daro ah, oo aanu is leenahay waa lagu dhex jiray, Ardaydana waanu ka wadahadalay in war loo keenay oo lagu yidhi labada Wasaaraddood ayaa is haya, oo hawlaha guud ayaa diidan ardayduna waa ka garaabeen  in ay qalad sameeyeen.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Waxbarashada isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi,”Magaaladu way fiday iskuulo cusub ayay u baahantahay, Iskuuladii aanu dhisi lahayn dhul ayaanu u waynay Wajaale ayaan geeyay qaar, Wasaaraddana dhul ay leedahay ma jiro. oo laga dhisay. Run baanan idiin sheegayaa, Hargeysa waan ku dhashay waxbaan ku bartay Mitirna kuma lihi maanta, danta guud ayaan wax u doonayaa oo taariikh ayaan ka doonayaa dadkan, qof walibana wuxuu dhigto ayuu leeyahay, Wasaaradduna dhul ay haysataa ma jiro.”

Wasiirka howlaha guud oo arrinta faahfaahin ka bixinaya ayaa  waxa uu yidhi, “Horta wixii dhacay  wax kasta ha ahaadee, waanu xalinay, ka dib markii Wasaaraddaha hawlaha guud, Tacliinta iyo  Daakhiligu isugu yimaadeen arrintaa waanu dhamaynay, arrintuna wax qiimo leh oo macno samaynaya may ahayn. Halkan Iskuulku ka dhisan yahayna waxay ahayd meel la dhigi jiray gaadiidka hawlaha guud, markii Hargeysi Gobolka ahayd ee Wasaaradana isu-duhu maamulayay.”

Siciid Sulub waxa uu  sheegay in markii la ogaaday in xaafadu iskuul u baahan tahay ay Wasaaradda hawlaha guud ugu deeqday dhul ay iyadu lahayd, ka dibna laga dhisay Dugsiga sare ee Dayib guray. “Hadana mar labaad ayaa dhulka dayrka loo baahday, Wasaaradduna waxba may diidin markaa, arrintii sidaa ahayd waxa laga sameeyay xamaasad iyada oon labadii Wasaaradood waxba isku diidanayn, xamaasadaana Ardayda ayaa la geliyay. Meeshana waxba iskuma diidanin, dadka Xaafada badhba dhan ayuu ka xigaa Iskuulka, waa in waddo laga baneeyo, taasina anaga iyo Wasaaradda Tacliinta ayay noo taalaa.” Ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland