Ciidamo kala taabasan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaha Degmada Beledweyne oo ku dagaalamay gudaha Degmadaas

Khamiis, March 06, 2008(HOL): Dagaalka dhexmaray labadan Ciidan ayaa wuxuu qarxay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ay tageen Hotel uu ku jiray Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim, iyagoo kadibna ilaaladii Guddoomiyaha Degmada u sheegay in Guddoomiyaha Degmada uu u yeerayo Guddoomiyaha Gobolka, taasi oo ay ka biyo diideen ilaaladii Cilmi Saney Qaasim.

Iska hor-imaad dhexmaray labada Ciidan oo bartamaha Magaalada Beledweyne ka dhacay, isla markaana socday muddo 10 daqiiqadood ah ayaan la sheegin khasaare ka dhashay, marka laga reebo argagax uu geliyay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo qaarkood ku sigtay in ay Magaalada ka cararaan.

Iska hor-imaadka dhexmaray labada Ciidan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu banaanka u soo baxay khilaaf u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed iyo Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim, kuwaasi oo khilaafkooda laga dheehan karay wareysiyo ay siiyeen Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Ugu dambeyntiina, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Beledweyne-na waxay sheegayaan in xaaladda ay haatan degan tahay, isla markaana uu istaagay iska hor-imaadkii labada Ciidan dhexmaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia