Khamiis, March 06, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu xil safiirnimo u magacaabay Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen (C/raxmaan Guul-Wade).
Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud Xuub-sireed ayaa kadib markii la magacaabay Safiirka waxaa uu saxaafadda u sheegay in C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guul-wade) loo magacaabay in uu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Dalka Iiraan.
Xuseen Xuub-sireed waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu Safiirka kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo sidii uu u wanaajin lahaa xiriirka labada Dal, isla markaana uu madaxda dalkaas uga dhaadhicin lahaa sidii ay u caawin lahaayeen Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.
Mar Afhayeenka wax laga weydiiyay waxa ay soo kordhinayaan Safiirrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacaabeyso Dalalka Dibadda iyadoo aysan hagaagsaneyn Xaaladda Ammaan ee gudaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladda wax ka qabaneyso xaaladda gudaha Soomaaliya, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in ay Dowladda hagaajiso xiriirkeeda Arrimaha Dibadda.
Ugu dambeyntiina, Magacaabista Safiirkan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu dhawaan Safiirro u magacaabay Dalalka Suudaan, Turkiga, Qadar iyo Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia