Afhayeen cusub oo loo magacaabay Howlgallada Xoogagga Maxkamadaha Islaamka

Khamiis, March 06, 2008(HOL): Howlgallada Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa loo magacaabay Afhayeen ka hadla oo lagu magacaabo C/raxiin Ciise Caddow kaasi oo  markii ugu horeysay xalay la hadlay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho kadib dagaal Xoogagga Maxkamaha Islaamka iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray Deegaanka Siinka Dheer oo u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

C/raxiin Ciise Caddow oo ka waramayay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Siinka Dheer waxaa uu sheegay in khasaare u geysteen Ciidamadii Dowladda ee ay ku weerareen Siinka Dheer, isagoo intaas ku daray in uusan jirin wax khasaare ah oo dhinacooda soo gaaray.

“Waxaan ka dilnay Askar badan, hub badanna waan ka furannay oo ay isugu jiray BKM-yo iyo AK-yaal, waxaan ka qaadanay lacag badan, Labo gaadiid ahna waan ka gubnay”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in sababta ay halkaas u weerareen ay ahayd iyadoo goobtaas lagu dhibaateyn jiray Dadka Soomaaliyeed.

Afhayeenkan loo magacaabay howlgallada Xoogagga Maxkamadaha Islaamka waxaa uu sheegay in ay weerar ku qaadi doonaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in aysan dagaalkaas joojin doonin sida uu u yiri ilaa ay dalka Soomaaliya ka xoreeyaan cadawga ku soo duulay iyo Dadka la shaqeeya.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in uusan ahayn Afhayeen ka hadlaya arrimaha kale ee Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu kaliya yahay afhayeen ka hadlaya howlgallada Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Afhayeenkan loo magacaabay in uu ka hadlo dhaqdhaqaaqyada ay sameeyaan Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ayaa magacaabistiisa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Xoogag ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ay weerarro ku qaadaan fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku yaala qaar ka mid ah Gobollada Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia