Meydad laga helay Koontaroolka Siinka Dheer oo xalay uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Xoogagga Maxkamadihii Islaamka

Khamiis, March 06, 2008(HOL): Bar Koontarool oo ku taala Deegaanka Siinka Dheer ee u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo xalay ay dagaallo ka dhaceen ayaa saaka waxaa laga helay lix ruux oo meyd ah oo isugu jiray Askartii Bartaas Koontarool ku sugneyd iyo Dad rayid ah.

Lixda Ruux ee meydkooda la helay ayaa waxay isugu jireen shan Askari oo joogtay Bartaas Koontarool iyo Haweeney mehrad ganacsi ku heysatay halkaas, taasi oo ay haleeshay rasaas ay isku fureen dhinacyadii ku dagaalamay Siinka Dheer.

Deegaanka Siinka Dheer ayaa xalay fiidkii waxaa ku dagaalamay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo uu dhexmaray dagaal xooggan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Marka laga soo tago Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee uu geystay waxaa jiro dad kale oo ku dhaawacmay dagaalka kuwaasi oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho, halka ay jiraan dukaamo la bililiqeystay oo ay lahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa Deegaanka Siinka Dheer.

Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ee weerarka ku qaaday Barta Koontarool ee ku taala Siinka Dheer ayaa la sheegay in ay seddex jiho weerar kaga soo qaadeen Ciidamadii ku sugnaa Deegaanka Siinka Dheer, kadibna ay kala wareegeen gacan ku heynta Bartii ay Ciidamada  joogeen, inkastoo ay mar dambe isaga baxeen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Weerarrada ay qaadaan Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqdaan in ay u wareegay dhinaca Magaalooyinka ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo indhawaalaba ay dagaallo ku kooban, waxaana dhawaanahan la soo sheegayay in Xoogag ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay weerarro ku qaadeen Deegaanno ka tirsan Gobollada Bay, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia