Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo badankood alaabahooda ka raranaya Suuqaas

Khamiis, March 06, 2008(HOL): Inta badan Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay bilaabeen in ay badeecooyinkooda ka rartaan Suuqa Bakaaraha sababo la xiriira ammaanka Suuqa Bakaaraha oo xumaaday iyo iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada dhac loo geystay.

Marka aad booqato Suuqa Bakaaraha ayaa waxaad arkeysaa badeecooyin ay ganacsatadii lahayd ku raranayaan Gaadiid kala duwan, kuwaasi oo Suuqa looga sii bixinayo jihooyin kala duwan.

Badeecooyinkan ay ganacsatadu raranayaan ayaa la sheegayaan in qaarkood ay badeecooyinkooda u raranayan guryahooda, halka kuwo kalena ay u wareegsanayaan Suuqyo kale oo ay ka mid yihiin Suuq Bacaad, Siinaay, Xamarweyne, Kaaraan iyo kuwo kale.

Dhanka kalena, Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxay tahay mid degan oo aysan ka jirin wax iska hor-imaadyo ah iyo weliba rasaas ay ciidamada dowladda ku ridayaan gudaha Suuqa Bakaaraha sidii dhici jirtay maalmo hore, waxaana gudaha Suuqa lagu arkayaa dad isugu jira kuwo howlo ganacsi ku wata iyo kuwo u yimid in ay wax ka iibsadaan.

Ugu dambeyntiina, Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu yahay Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana ku tiirsan nolosha Dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jira kuwo ganacsi kala socda ku leh iyo kuwo muruqooda maala oo manaafacaadsada wixii ay maalintaas soo shaqeystaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia